“Waxaanu Taageersanahay Murashaxnimada Siilaanyo”

0
782

Picture2Hargeysa (Geeska) – Beesha Abokor Muuse oo ka tirsan Beelaha Ciidagale ayaa soo dhaweysay Murashaxnimada Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Qoraal kooban oo ay ku saxeexan yihiin Sulaadiin, Cuqaal iyo Odayaal kale oo Beeshaasi ka tirsan ayaa lagu sheegay in si dhab Beeshu ay isugu raacsan tahay Murashaxnimada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Qoraalkaas ayaa u dhignaa sidan “Markii hore Muuse Biixi Waxa uu  nagula dardaarmey in Madaxweynaha maanta loo codeeyo, sidaasi si lamid ah ayaanu maanta u taageersanay madaxweynaha murashaxnimadiisana aanu soo dhaweyney. Caaqil Aabi Caaqil yare ayaa  isaguna sheegey in Maanta Madaxweynu yahay qofka ugu Mudan in ladoorto, ilaahayna aanu kabaryeyno in khilaafka inaga soo afjaro.

Waxa kale oo aanu cadaynaynaa in aan codkayaga siin doono hadii alle idmo marka la gaadho doorashada Madaxweynaha Somaliland

1- Suldaan Cali Baane

2- Caaqil Aabi Caaqil Yare

3- Caaqil Nuur Muxumed Xirsi

4- Aqoonyahan Ibraahin Cali Axmed

 5- Garaad Aadan Saryan Guuleed

6- Cali Jaamac Faateysi

7- Aadan Muxumed Baane.