“Waxaanu Rajaynaynaa In La Isku Soo Dhawaado Oo Dib Loo Wada Fadhiisto Miiska”

0
990

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Eng: Axmed Xirsi Ducaale, ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dib loo wada fadhiisto miiska wada hadaladam, madaama ay Xisbiyadu haddana mar kale is afgaran waaga soo kala dhex galay, taas oo keentay in Xisbiga Waddani mawqif gaar ah qaato, halka Xisbiyada UCID iyo Kulmiyena mawqif isku mid ah qaataan, waxaanu tilmaamay inay hadda ka war sugayaan Guddidii markii hore dhex-dhexaadinta ka dhex waday Xisbiyada.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Eng: Axmed Xirsi Ducaale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika “Waxaa jirtay Guddi dhex-dhexaad ah oo is xilqaatay oo aanu dib ugu yeedhnay, oo aanu ku nidhi arintii wey kala kacday, ee dib u gala, ee bal xalku ha joogo, ee in Guddiyadii la isku soo caliyo ayaanu go’aan ku gaadhnay, Guddiduna wey noo timid oo waxay nagu tidhi naga war suga,imikana Guddidii dhex-dhexaadka ahayd ayaanu ka war sugaynaa, waxaanu rajaynaynaa in la isku soo dhaweeyo Xisbiyada, oo dib loo wada fadhiisto Miiska wada hadalka”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here