“Waxaan Qabaa In Boqor Buurmadoow Ay Dadkii Jeelka Ku Jiray U Yeedheen”

59
3861

Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xadhiga Boqor Buurmadaw iyo qodobo kale.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qadiyada iyo madaxa banaanida Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay xadhiga Boqor Buurmadaw “Boqor Buurmadaw, Xukuumaddihii dalka soo maray way wada xidheen, oo marka uu jeelka galo ugu yaraan wuxuu ku jiraa lix bilood,oo anigu waxaan qabaa  Boqor Buurmadaw in dadkii jeelku u yeedheen, sababtoo ah Saddex Madaxweyne wey xidheen, oo inta badan wuxuu ka shaqeeya samafalka dadka xidhan, oo wakhtigaygii markii uu xidhnaa, waxa jiray nin aanu isku beel nahay oo la dilay, oo uu dilay nin oromo ahi, oo uu Biyaha Shiinaha beer ay ka wada shaqeeynayeen uu ku dilay, oo wuxuu xidhnaa muddo dheer oo ku dhaw labataan sanno, oo markii uu soo baxay Buurmadaw, ayuu igu yidhi nin aad isku beel tihiin oo la dilay, ayuu igu yidhi waxa u xidhan nin oromo ah, oo imika noqday imaamkii jeelka, ee inaad arinkaas wax ka qabato ayaan doonayaa, dabadeed waxaan la kaashaday Baxsane, oo aniga iyo Baxsana ayaa magtii bixinay, oo reerkii siinay, markaas waxaad moodaa in Boqor Buurmadaw uu ku fiican yahay samafalka xagga jeelka, oo qoladii jeelku u yeedheen, oo Saddex Madaxweyne may xidheen Boqor Buurmadaw, ee  waxaan filayaa inay  qoladii jeelku u yeedheen, oo ay gaadhay wakhtigii uu samafalkii ka qaban jiray jeelka, marka uu samafalkaas uu dhammeeyeena insha allaah uu soo bixi doonaa”

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey qaranimada Somaliland ayaa yidhi“Waa la is mucaaridaa, wax baa la isku sheegaa, laakiin waa inay qaranimadu waa inay ahaata mid lama taabtaana, wakhtigan xaadirkana ahna baahi badan baa loo qabaa inay Somaliland midaawdo, oo ay noqoto ul kaliya,m madaama dadkii aynu is haynay ay midaaween, inaguna waa inaynu midawnaa, Mucaaradnimadu ha noqoto mid wax dhisaysa, oo yaanay noqon mid wax duminaysa, Dawladduna xilkeeda si fiican ha uga gudato gees walba”

Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka iyo Masuuliyiinta loo doortay Baanka Dhexe ayaa yidhi “Nimankan loo doortay Baanka Dhexe, waxaan rajaynayaa inay la yimaadan itijaah cusub, iyo habsami socod cusub iyo sidii ay u ilaalin lahaayeen shilinka, gacantana ugu dhigi lahaayeen ilaalinta suuqa,madaama la magacaabay Guddoomiye iyo Agaasime cusub, oo loo magacaabay Baanka, waxaan filayaa inay wax badan wax ka qaban doonaan, waxaana ku talinayaa in loo madax baneeyo inay suuqa xukumaan iyagu, ”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here