“Waxaan Leeyahay Madaxweyne Muuse Cadaaladda Ogow, Xaqna Ummada Ugu Shaqee”

37
4418

Cabdilaahi Jawaan

Hargeysa (Geeska)- Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu si gaar ah talooyin ugu soo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu kula taliyey inuu umadda u cadaalad sameeyo, una xaqsooro, isla markaana aanu yeelan go’aan adag iyo gudoon jilicsan.

Cabdillaahi-jawaan oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qabyaalada, is bedelada ka dhacaya Geeska, doorka ay ku yeelan karto Somalidu iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo talooyin u diraya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Xukuumadda xil baa loo doortay, Xukuumadda uu Madaxweyne Muuse Biixi hogaaminayo xil baa loo doortay, waxaan leeyahay Madaxweyne Muuse cadaalada ogow, xaqna ku shaqee,  Madaxweyne go’aan adag iyo guddoon jilicsanba waa lagu jabaa, go’aana yeelo, umaddana isku wad, kuna dadaal inaad u xaqsoorto umadda, ILLAAHAY baa wax wada gaadhsiin kara, oo cadaalad dhamaystiran laga heli karaa, ee mar walba cadaalada iyo xaqsoorka umadda ogow”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Qabyaalada ayaa yidhi “Maalmahan durbaan qabyaaladeed ayaa la tumaayey, oo haddii aanu reer hebel nahay, ayaa la lahaa, reer hebeshana waxaa ka horeeyey haddii aanu Wadankaas nahay iyo haddii aanu Gobolkaas nahay, durbaankan Siyaasadeed ee ku saleeysan qabyaalada, ha lagu bedelo Siyaasad ku saleeysan Deegaan ama Gobol, oo intii isku deegaan ah ama isku gobol ah, wax ha wada qabsato, maxa yeelay qabiil meel wada jooga ma jiraan, laba walaalo ah, ayaa midba meel joogaa, markaas waa in la isku kaashada in intii isku wada dan ahi inay wax wada qabsato, oo dantooda wada ilaashato, sidaas ayaa Caalamku ku dhaqma, oo wax lagu noqdaa, waxaad arkaysaa dad aqoonyahano ah, haddana leh haddii aanu reer hebel nahay waxaas iyo waxaas ayaanu diidan nahay, Adduunyadu Xisbi ayey ku dhaataan, Ururo ayey ku dhaatan, marka nidaamka Adduunka ku dhaqmo ee lagaga gudbay qabyaalada ayaa loo baahan yahay inayu Siyaasadeedna ku saleeyno, dadka iyagu telefishanada ka hadla, ee cid cambaarayanaya, oo laabta gacaraya, ee leh anaga oo reer hebel ah ayaa sidaas yeeli doona, looma baahna, warbaahintana waxaan leeyahay mar walba wanaaga iyo isku soo dhaweeynta umadda ka shaqeeya, oo wararka aad baahinaysaan ha noqdaan kuwa aan cid iska hor keenayn”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey is bedelada ka dhacay Geeska Afrika ayaa yidhi “Caalamku kuma koobna oo qudha IGAD iyo Geeska Afrika,waxaana imika jirta tartanka Adduunka ah oo lagu tartamaayo khayraadka Afrika, oo reer Galbeedkii iyo reer Berrigii baa tartan ka dhexeeya, oo Midawgii Soofiyeytii iyo Shiinihii oo Afrika Dhaqaale xoog leh galiyey ayaa soo dhex galay, halka Mareykanka, Ingiriiska iyo Wadamada ay hor kacayaan ay iyana dhinac yihiin, oo waxaa loo tartamayaa sidii khayraadka Afrika gacanta loogu dhigi lahaa, iyo ciddii gacanta ku hayn lahayd, kana faa’iidaysan lahayd, siyaasaddahan socdaana waa kuwa ku salaysan arimahan”

Mar uu baaq u diraayey labada beelood ee dagaalku dhexmaray  ayaa yidhi “Labada Beelood ee is laayey waxaan leeyahay, waxaad tihiin dadkaygii, ma kala maarantaan, ma kala guuraysaan, meel ma kala tagaysaan, ee intii dhimatay ALLE ha u naxariisto ee inta nool u taliya, waxaanu leenahay awoowayaal dhiigiina sida qiimo darada ah u daadanaya, waanu ka naxsanahay, weyna na damqaysaa, ee isku damqada, oo diinta islaamka eega, oo dadnimada eega, oo walaalnimada eega, oo wada jirka eega, ee baaqdaas kala duwan ee la idiin soo dirayo qaata, oo nabada qaata, oo dagaalka soo noq-noqday joojiya, isku samra, dagaal xaqdaro ah in la galo meelna kuma wanaagsana, ee joojiya dagaalka, qof walba uu dhimanaya, ee akhiradiina u tudha, reer qabiilku raacayana ma jiro, oo qof walba kafan yar buu kala tagaya aduunka, qof walbana camalkiisa ayaa loo eegaya, haddii aan qofku camalkiisi hagaagsanayn cadaab buu galaya,  ee ALLE ha laga baqo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here