“Waxaan Ka Digayaa In Hantida Iyo Xukunka Dalka Cid Gaar Ahi Iskaga Xulufaysato Umadda…”

0
824

Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Xasan

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Xasan Khaliif, ayaa ka hadlay Shirkii Magaalada Burco ku dhexmaray Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal iyo Habar Jeclo, ee lagu heshiiyey in Muuse Biixi lagu taageero, waxaanu tilmaamay in Somaliland ka weyn tahay laba reer, oo beelo badani degaan, isla markaana aan loo baahanayn in cid gaar ahi xukunka dalka isku koobto.

Suldaanka guud ee Beelaha Gabooye Suldaan Daakir Xasan Khaliif, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan ‘Qadiyada ka dhacday Magaalada Burco, iyo heshiiska dhexmaray labada beelood, aragti ahaan sida ay reer Somaliland u arkaan, maaha arin wacan, sababtoo ah dalka waxa ku nool umaddo fara badan oo ka kooban qabaa’il fara badan oo reer Somaliland ah, sida Gabooye, Harti, Samaroon, Ciise, Ayuub, Arab, Gabooye, Garxajis, Akishe, iyo beelo kaleba, markaas qadiyadan tilmaamaysa in qoriga laba reer isku dhidhidhabaan, waa qadiyada aad u fool xun oo tilmaamaysa in umadda kale aan loo ogelayn inay nooladaan, oo ay dalka xukumaan,aad baanu u cambaarayna, waana ka xunahay in arinkan oo kale dhaco, waayo dalkani waa dal Dimuqraadiyada, oo loo siman yahay, ee maaha dal ay laba reer umadda oo dhan u heshiiso’

Suldaan Daakir oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ‘Waxaan leeyahay oo taladdaydu tahay guud ahaan Shacabka reer Somaliland waad aragtaan sida cid gaar ahi xukunka doonayso inay iskugu koobtee, ee isku hadaf noqda, mid noqda, oo sidii aad taladda dalka cida u qalanta ugu dhiibi lahaydeen ee codkiina u siin lahaydeen baa la idinka baahan yahay, Somaliland maaha awal iyo haber-jeclo, ee Somaliland wey ka weyn tahay, oo wey ka baaxad weyn tahay, waxaan ka digayaa in hantida iyo xukunka dalka cid gaar ahi iskaga xulufaysto umadda, arinkan oo kalena in laga noqdo weeye’

Suldaanka Daakir mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani ayaa yidhi ‘Xisbiga Waddani, waa Xisbi aad u balaadhan, waa Xisbi dalka iyo dadka reer Somaliland badbaadin kara, kana saari kara xaalada uu maanta ku jiro ee Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay codkiina Xisbiga Waddani siiya, cid gaar ahina ma leh Waddani ee Shacabka reer Somaliland ayaa wada leh’