“Waxaan Ka Baqayaa In Cidii Ku Guulaysta Madaxtinimadu Inay Inagu Soo Jeestaan Sidaas Axmed Ooy Ina Yidhaahdaan Maxaanu Qabanaa”

0
926

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee dalka, aragtidiisa ku waajahan Xisbiyada, Xukuumadda iyo  Golayaasha sharci dejinta.

xx

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa kale oo uu ka hadlay qaabka ugu wanaagsan ee ay Doorashadu ku dhici karto, dhibaatada qabyaaladu leedahay, waxaanu h adalkiisa ku bilaabay sidan    "Somaliland waxa ay jirtay muddo 25-sanno ah, waxa la filaayey in la helo horumar uu ku dhismi karo Qaran waaraa, Umad walba nabadgalyadeeda horumar bay ku keentay, nabaduna waxa ay ku xidhan tahay xeer iyo cadaalad, haddii la waayo xeer iyo cadaalad ay umaddu ku kala baxdo oo dadka wixii ka dhexeeya si xaq u ugu qaybiya waxa inta badan loo yaqaana in Qarankaasi burburo.

Hay;addihii aynu hogaanka u dooranay Xukuumaddii, Wakiiladii iyo Guurtidii saddexdiiba wakhtigii wuu ka dhacay, weyna hawlgabeen,waxa ay qabteena weynu ognahay oo wax macno leh oo la sheego oo lagu majeerto oo ay Xukuumaddani qabatay ma jirto, halka, xeer la'aanta iyo nidaam la'aanta.  Xukuumaddana waa ta keentay in 11 Wasiir oo ka mid ahaa Golaheeda Wasiiradda ay maalin qudha ka wada dhaqaajiyaan, is casilaadaasina taariikhda adduunayada meel ay ka dhacday ma jirto.  Marka  aynu ka nidaamno Xukuumadda waxa kale oo iyana dhibaato ah in Golayaashii Wakiilada iyo Guurtidu aanay ilaa hadda diyaarin xeerarkii lagu soo dooran lahaa".

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiyada waxa uu yidhi  "Dawladdaha Afrikaanka waxa la yidhaahda kur ka nool, oo inta badan taladdu Madaxweynaha ayey gacanta ugu jirtaa, markaas Xisbiyadeenii ayaa iyaga qudhoodii noqday kur ka nool. oo Xisbiyadii ayuu Nin keliyi yeeshay, waana ta keentay in Xisbiyada khilaafyo ka dhex dhashaan, oo Kulmiye weynu ogeyn halkii uu ku dambeeyey iyo wixii ka dhacay, UCID ayaynu aragnaa halka ay Jamaal iyo Faysal isla marayaan, Waddani ayeynaan wali waxba ka maqal inkasta oo uu isaguna wax badan oo uu kaga duwan yahay Kulmiye iyo UCID aanay jirin,".

Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlay Xukuumadda, Garsoorka  iyo Doorashooyinka  ayaa yidhi "Inkasta  oo Guddoomiyaha Maxkamada Sare uu wax badan badalay, laakiin nidaamkii Garsoorku waa halkii, oo dhammaan badalka Garsoorayaasha waxa gacanta ku haysa dawlada dhexe,oo Ninka ay doontu tidhaada xidha, Ninka ay doontana sii daaya, Hanti dhawrka Dawladda ayaa gacanta ku haysa, noocaasna Dawladdu kuma dhisanto, hadda Doorashooyin ayaa soo socda, ee Xisbiyadii ayaa lagu kala bixi la yahay ee ma Doorasho ayaa lagu kala bixi, Sharci lagu kala badbaadiyaa ma inoo jiraa, waa maya, dhaqan aynu iskugu dulqaadano oo aynu iskugu tanaasulnaa ma inaga muuqda, waa maya, uma malaynayo inay jiraan wax badan oo Dawladda la yidhaahdo, maxa yeelay Dawladda wax sheeg waa lagala quustee,ee waxa aan ka codsan lahaa Saddexda Xisbi,  Golayasha Wakiilada iyo Guurtida inay diyaarinayaan Xeerkii lagu kala bixi lahaa Doorashooyinka soo socda  iyo waliba saamiga ay Goboladu ka kala helayaan Doorashada Wakiilada iyo xeerkii lagu dooran lahaa Guurtida si loogu kala badbaado Doorashada..”

Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey  Siyaasada Xisbiyada ayaa wuxuu  yidhi "Ilaa hadda Xisbiyada kumaan arag barnaamij midho dhal ah oo ay la yimaadeen, iyo inay  nidaamka iyo xeerarka dalka wax ka badalayaan, barnaamij horumar Dhaqaale ama Waxbarashana kumaan arag, tusaale ahaan Oday Axmed isaga oo afartan sanno mucaarad ahaa ilaa jabhadii ayaa markii uu kursiga fuulay uu yidhi maxaan qabtaa, inaga oo aynu ogeyn inuu odhan jiray markii uu ahaa Mucaaradka waxyaabo badan ayaan wax ka qabanayaa, waxaan ka baqayaa in cidii ku guulaysta Madaxtinimada inay iyana inta ay inagu soo jeestaan sidaas Axmed inay iyana yidhaahdaan maxaanu qabanaa, looma baahna in hebel hebel badalo ee waxa loo baahan yahay in nidaamka wax laga badalo, hal ku dhiigi Siyaasigu waxa uu noqday reer hebel iyo qolo, ee waxa aan leeyahay Shacabka cidna ha ku taageerina reer hebel iyo bari ayuu kursi ku siinayaa, oo weynu aragnaa in maanta Xisbigii kulmiye Xukuumaddii cidi ka joogin, oo dadkii Kulmiye ahaa ma joogaan ee UDUB ayaa meesha joogta, markaas Xisbiyada waxa looga baahan yahay inay wax dadka ka cuntama ay u soo bandhigaan, oo hogaanada Xisbiyadu ha ogaadan in aanay Xisbiga lahayn ee ay umadddu wada leedahay, "