“Waxaan Aad U Jecelahay Wargeyska Geeska Afrika Oo Ah Wargeys Qiyam Leh”

0
528

siciidHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Wargeyska Madaxa banaan ee Geeska Afrika ku amaanay qaabka uu wararka u baahiyo, waxaanu ku tilmaamay  Wargeys tayo leh oo ay mudan tahay in lagu daydo, isagoo sheegay inuu si joogto ah ugu xidhanyahay.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka hadlayay munaasibadii maalitna xorriyadda saxaafadda ayaa sidoo kale hambalyo u diray guud ahaan Saxaafadda Somaliland, waxaanu ka waramay Xeerka Saxaafadda ee muran badan dhaliyey, isaga oo sheegay in ilaa Xukumaddii hore uu Xeerkani taagnaa, waxaanu yidhi “Waxaan Hambalyo u dirayaa guud ahaan Suxufiyiinta reer Somaliland. Maanta oo ay Maalintoodii ay tahay, anigu aad iyo aad ayaan runtii u jecel ahay Saxaafadda, waayo noloshayda ayaa Mucaarad u badnayd, Saxaafaddu dadka iyada ayaa u waranta, Dadku wey hurdaan,aad iyo aadna waan idiin amaanaya, waana idiin hambaliyeynaya.”

Isagoo xildhibaanku ka hadlaya Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Anigu aad ayaan u hadli jirey, waxaana aad iyo aad u jecel

ahay Wargeyska Geeska Afrika, runtiina waa Wargeys qiyam leh, qaarba jira Jaraa’dada laga masmasaxo, qaarba jira la samaystay oo idinla tartamaya, oo wax kale ka shaqeeynaya”.

Xilidhibaan Siciid Cilmi Roobke oo ka hadlaya xeerka saxaafadda, wuxuu yidhi  “Dad badan ayaa jooga waxaan jecelahay xeerkan la isku hayo idinka waramo, Xeerkani Toban sanno ka hor ayuu noo yimid, wakhtigaas waxa aanu diidnay Lix Wasiir oo Daahir Rayaale soo magacaabay, waxaana ka mid ahaa Xasan Gadhweyne, Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha Qaasim oo dhintay iyo Waqaf, Mucaaradkaygu 16 ayaanu ahayn oo UDUB ayaa naga badnayd, diidmadaas Wasiiraduna waxa ay ahayd mid aanu Gole ahaan isla garanay, Daahir Rayaale Kaahin, markaas muu aqbalin, go’aankii Golaha, wuu iska si shaqeeyey, Saddex Bilood, markii uu shaqeeynayey oo qoladayda Mucaaradkuna qaylinayo, ayaa Maalinti dambe Qaybe ALLE ha u naxariiste ii ymid,waxaanu igu yidhi waxa aan doonaya inaanu heshiis galno,  aniga ayaana hogaaminayey Mucaaradka,  waxaanu yidhi xeerka u madax banaanoow, soona sameeya adiga iyo Guddida aad la xulato, tii ayaan aqbalay, kadibna waxa aan ku idhi xeerka ha la horeeysiyo, kuma aaminayee, waxaana markaas u yeedhay wax alaale wixii aqoon Saxaafaddu lahayd, sida Wayab, Axmed Siciid Cige, Faysal Sheekh, Faysal Fadhfadhle iyo Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil oo UDUB ku jirey, oo nagu jirey ayaanu gurgiisa, fadhiisanay, xeer ayaanu markaas soo sameeynay, Qeybana uu aqbalay,Xisbiga Kulmiye xeerkaas wuu ka xaqaaqay Cali Gurey oo markaas Xisbiga Kulmiye ahaa oo qudha ayaa I taageeray.”