“Waxa La Gaadhay Wakhtigii Uu Caalamku Aqoonsan Lahaa Somaliland”

0
557

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Beesha Caalamka iyo Dalalka Afrika ugu baaqay inay aqoonsi Caalamiya siiyaan Somaliland, isaga oo sheegay in la gaadhay wakhtigii la aqoosan lahaa Somaliland, waxaanu xusay inay Somaliland,  buuxisay shuriidihii looga baahna dal,. 

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo qoraal ku baahiyay jaraa’idka Ingiriiska,  ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland iyo Somalia aanay isku ahaan jirin dal qudha ee ay isku biireen Sannadkii 1960-kii, isla markaana waxa uu sheegay dhibaatooyin, xasuuq iyo jidh dil badan oo loo geystay Bulshada reer Somaliland ay keentay inay xoriyadoodii ay isku lumiyeen inay dib ula soo noqdaan, waxa kale oo uu ka hadlay xuska 18-may sannad guuradii, 23-aad ee ka soo wareegtay gooni isu taagii Somaliland, oo dhawaan dalka laga xusi doono. waxaanu yidhi “Aniga iyo Muwaadiinta Somaliland waxa aanu qabnaa in Beesha Caalamku iska indho tirayso, Somaliland waa Wadan Beesha Caalamku iloowday, balse Axada dambe waxa ay Somaliland u dabaal degi doontaa oo xusi doonta Sannad guuradii 23-aad ee ka soo wareegtay markii ay dib ula soo noqtay Madax banaanideedii, anagu Wadan ahaan waanu buuxinay shuruudihii looga baahnaa dal, waxa qudha ee naga dhimana waa Aqoonsi aanu ka helno Beesha Caalamka iyo Afrika”.

Wasiirka Arimaha Dibada oo hadalkiisa si wata ayaa yidhi “Somaliland iyo Somalia laba Dal ayey kala ahayeen oo midoobay Sannadkii 1960-kii, balse midnimadii waxa aanu kala kulanay dhibaatooyin badan oo aanan ku farxin, kadib markii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare dalka qabsaday dagaal la galay Somaliland, isla markaana uu laayey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan oo dhan 50,000 –qof, balse Somaliland markii ay dib ula soo noqotay xoriyadeedii 1991-kii, ayey Somalia burbur isku badashay, Somaliland waxa ay heshay fursad ay dalkeeda ku maamulato iyo inay ka shaqeeyso mustaqbalkeeda dambe, hawlo adag ayey Muwaadiniinta Somaliland qabatay, si adag ayey u shaqeeyeen, Nabadii la adkeeyey, Dimuqraadiyadii ayaa la hirgaliyey, waxa aanu dhisnay oo Ciidamadii Booliska iyo Ciidamadii Milatariga, kuwaas oo amaanka dalka ilaaliya kana ilaaliya Cadawga iyo Argagaxisada”.

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo sii sharaxaya horumarka ay Somaliland gaadhay, wuxuu yidhi  “Dawladda Somaliland waxa ay hirgelisay in Dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe  Waxbarashadii bilaash laga dhigo, si loo horumariyo loona ilaaliyo  Caruurta, balse ilaa hadda Somaliland waxa ay ka mid tahay Dalalka ugu faqiirsan Caalamka, muddo sannado ahna waxa ay ku qaadatay in dib loo dhiso, iyada oo laga soo kabtay oo laga soo baxay dagaalo sokeeye, waxaana Beesha Caalamka ugu baaqayaa inay na aqoonsadaan, maxa yeelay aqoonsi la’aantaasi dhib ayey nagu haysa, aqoonsi la’aantuna waxa ay nagu haysa in aanu galno heshiisyo Caalamiya la galnana Shirkadaha Caalamiga ah iyo in aanu Lacag wax ku qabsano amaahano, aqoonsi la’aantu waxa ay naga luminaysa fursado badan, Nabada iyo Xasiloonada dalka ka jira waa mid la hubo, Dhaqaalaha dalkuna uu koraya, balse Shaqooyinka iyo tirada dadka ayaa kala badan, dadka shaqada raadiyana  aad iyo aad ayey u badan yihiin,taasina waxa ay keentay inay aad u yaraato fursadaha shaqo, balse waxa aanu u baahanay in aanu Da’ yartayda u raadino shaqooyin, waxa aanu doonaynaa in aanu shaqooyin u helno Ardeyda Jaamacadaha ka qalan jabiyey si aanay ugu kicin Tahriibka sharci darada ah iyo inay fikiraan,waxa aanu doonaynaa in aanu Dhalinyarada caawino si ay u helaan mustaqbal wanaagsan, heshiiyada Caalamiga ahi, waxa ay abuuraysa fursado shaqo oo badan, waxa aanu taageere uga baahanayn Wadamada aanu Saaxibka nahay si loo helo Horumar. In qadiyada Somaliland laga doodo waa mid sameeyn ku yeelanaysa Afrika iyo Beesha Caalamka.”