“Waxa La Doonayaa In Qofkii Hargeysa Imanaya Lagu Yidhaahdo Kelyaha Ayaa Lagaala Baxayaa”Dr. Gaboose oo dacaayad Somaliland lagu xumaynayo ku sifeeyay warar la baahiyay

0
537

Hargeysa(Geeska)-Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar mudooyinkii ugu daneeyay siyaabo kala duwan u baahayay kuwaas oo sheegayay in ay jiraan dad kalyahoodii qaab ganacsi Hargeysa loogala baxay.

Dr.Gaboose waxa uu arintan ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, waxaanu sifeeyay qaabka qaliin noocaas ah loo samayn karo iyo qalabka ay arintaasi u baahan karto. waxa uu arimahan kaga haday Dr.Gaboose mar uu la hadlaayay laanta afka Somaliga ee BBC, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan "Arintan la leeyahay xubnaha ayaa dadka lagala baxaa oo dad kale ayaa loo iibiyaa, xubnahan kalyaha iyo beerku waxay ku yaalaan dhanka dhabarka oo waa xubno waaweyn, waxa ku xidhan xidada ugu muhiimsan xididada jidhkeena, maadaama oo ay labaduba yihiin kuwo wax sifeeya, mid sun sifeeya iyo mid kaadida inoo safeeyaba,  markaas in halkaas loogu tago oo xididadaas oo dhan la jarjaro, in xubintii aanay dhiman oo qofkii aanu dhiman waxa loogu talo galay goob waxaas oo qalab ah ay yaalaan oo labadii qof ee loo samaynaayay qaliinku aanay wakhti kala qaadan, sidaas awgeed qof jid iska maraaya in la lala cararo oo guri la geeyo oo kali lagala baxo oo uu suuqa galo, waa mid ka weyn maskaxda qof kasta oo wax garanaaya loona arkaayo inay tahay wax la buunbuuninaayo."

Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Somaliland goob ka mid ah caasimadaa ugu weyne lagama helin qof inta uu jeexanyahay maydkiisa meel lagu soo tuuray, waxa taas ka daran qofka dhaawaca ah ee aan dhimani dhakhtar ayuu u tagi lahaa dhaya oo dhaawacii isku cidhiidhya, Somaliland waa lays waraystay oo wax raadkeeda haya lama arag, way iska cadahay inay been iyo buunbuunin ay tahay. maxaa ka danbeeya? Somaliland qaran ayay noqotay shacbiga Somaliland waxa mudooyinkan danbe ka muuqda bisayl siyaasadeed kaas oo ay ku kasbadeen in Hargeysa ay hoy ugu noqoto nabadgalyada,caafimaadka iyo mid ganacsiba oo ah magaalada ugu weyn dhulka Soomaalida marka laysku soo daro ee qabiil kastaa uu ku soo ururay, cadawgaa ka naxsan horumarka noocaas ah ee dalkan iyo umadani ay gaadhay. cadawgaasina waa mid jecel inuu wiiqo guushaas, markaas waxa la doonayaa in la yidhaahdo qof kii imanaayaba kalyaha ayaa lagaala baxayaa ee carar, taasina wax macquul ah maaha."