“Waxa Jira Qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta Qaranka, Oo Haddana Dadkii Reer-reer Iyo Qabiil Qabiil U Kala Kaxaynaya”

36
3209

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa tilmaamay inay jiraan qaar ka mid ah masuuliyiinta qaranka oo uu xusay in umadda qabiil qabiil iyo reer reer u kala kaxaynayaan, si dadbana Somaliland ula dagaalamaya, waxa kale oo uu xusay inay iyana jiraan Madax-dhaqmeed iyo dad iyaguna si dadban umadda u kala kaxaynaya, waxaanu soo jeediyey in indho gaar ah loo yeesho, oo wax laga qabto.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi ”Soomaaliya inay Sonaliland 27 sano daba socoto, oo ay isku daydo inay dhinac kasta kala dagaalanto waa wax bini’aadanimada ka baxsan, in Wadamada qaandhan bixiyayaashuna sidii hore ay ula macaamili jireen inay ula macaamilaan, oo ay mawqifkoodii hore ku adkaystaan waan soo dhaweeynayaa”.

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Somaliya cadaawad ay inoo hayso weynu arkaynaa, waxna inoo yaraysan mayso, waxayna Somaliya ku dadaalaysa in dhibtii aynu ku jirnay 30 sanno ka hor inay dib inoogu celiso, balse dadka reer Somaliland waa dad tashaday, oo ayahooda ka tashaday, waa dad Somaliland u codeeyey, waa dad Dastuur sameeystay, waa dad Madaxweyne leh, waa dad Barlamaan leh, markaas wey riyoonayaan ee inay riyada ka noqdaan ayaa u fiican”.

Xildhibaan Abubakar mar uu baaq u diraayey Xukuumadda ayaa yidhi “Midnimada Shacabka reer Somaliland waa lagama maarmaan, waana mid u baahan in wax walba laga horeeysiiyo,waxa kale oo muhiim ah in Ciidamada Qaranka ee jiida hore in la is garab taago,  waxaana leeyahay magaca Somaliland ha lagu eekado, waxaana baryahan soo baxaya dad aad moodayso inay wax difaacayaan, haddana Somaliland kala kaxaynaya, waxana malaa garasho kama aha, waxa jira qaar ka mid ah Masuuliyiinta Qaranka, oo haddana dadkii reer reer iyo qabiil qabiil u kala kaxaynaya, oo si dadban Somaliland ula dagaalamaya, kuwaana in indho gaara ah loo yeesho ayaa fiican”

Dhinaca kale Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, wuxuu guud ahaan Madax-dhaqmeedada dalka ugu baaqay inay aad uga feejignadaan inay umadda ku kala kaxeeyaan qabyaalad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here