“Waxa Inagu Dhacday Abaar Maamul, Gurmad Ayay Somaliland U Baahanahtay”Sheekh Aadan-siiro

0
487

Hargeysa (Geeska) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Marxaladda Adag ee Dalku marayo, waxaanu sheegay in haddii aanay Somaliland helin Gurmad uu Jiritaankeedu khatar ku jiro.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Heshiiska Saldhigga  Berbera aanu ahayn Heshiis ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, sidaas darteedna uu Mustaqbalka khatar ku keeni karo Xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay inay Somaliland ku dhacday Abaar dhanka Maamulka waxaanu yidhi “Maxaa abaarta keenaya? Qof, Laba, Saddex ama Afar Qof baa Biyaha Somaliland oo dhan xidhaya, intii lagu xidhi lahaa Biyahana Qof keliyaa qaata. Somaliland inta Gudaheeda ku nool kama badna Saddex Milyan markaynu ka tagno inta Dibadda ku maqan, intaasi Warshad keliya ayay ka shaqeeyaan (Dalalka kale), laakiin waxa inna haysa Talo-xumo, waxaan idiin sheegayaa Somaliland gurmad bay u baahan tahay, Abaar Maamul baa innagu dhacday waanay innagu dumaysaa (Markaad eegto) siday u wadaan, haddaan la helin Ummad u kacda oo dareen iyo Iimaan hoggaaminayo oo Ummadda u tilmaama halka loo guurayo iyo halkay tagayaan.”

Sheekhu wuxuu si gaar ah uga hadlay Heshiiska Saldhigga Berbera ee Toddobaadkii hore lagu kala saxeexday Magaalada Abu Dubai “Heshiiska la idiin sheegayaa Maaha Heshiis aynu Imaaraadka la galnay, ee waa Heshiis Xornimadeenna ka hor-iman doona. Bani-aadamku inoo xor noqdo wax ka weyni ma jirto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Imaaraadku aanu lahayn Awood, “Waa Niman seexday oo la haystayaal ah, hadday wax qabsanayaan iyagaa wax qabsan lahaa, badhan laguma sameeyo Khaliijka, iyagoo haysta Bilyanis ayay ku khasban yihiin inay is-daba taagaan Nimanka Dunida haysta, ma awoodaan inay fuliyaan wax aanay ogeyn Nimanka dunida haystaa. Markaa Arrintaa laga sheekaynayaa halis bay ku tahay Dalka, Xorriyaddeena ayay halis ku tahay, aragtideenna Mustaqbalka ayay halis ku tahay.”

Sheekhu wuxuu ka hadlay Goobta ay Somaliland ku taallo iyo waxa ka dhici kara Mustaqbalka “Waad ogtihiin oo khayraadkii Dunidu wuu soo dhamaaday, 2020 illaa 2030-ka waxa la isku dilayaa Biyaha, Somaliland-na waxay ku taallaa meelaha ugu biyaha badan Adduunka, markaa waa inaynu Maskaxdeenna furnaa, Waayo? Dalku ku shaqeyn maayo Afar odey oo la kaxeeyo iyo Afar biidhi-qaateyaal ah oo la siiyo wax faro-guudkooda.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in Heshiiskaa Saldhigga si Dadka loogu qanciyo Shaqsiyad ka mid ah ballan-qaadyo loo sameeyay “Bal Ummadda intaa Fidsan ee Afar, Shan ama Lix Qof oo ka mid ah lagu yidhi Adiga Dhul baa Berbera lagaa siinayaa, Adiga Inankaaga ayaa La Taliye laga dhigayaa, Dalkii oo dhan Afartan ama Konton Qofbaa Habeen u shirtay innaga oo soo wada taagan, marka sidaasi dhacaysaa waa marka Ummadda uu Qalbigu madoobaaday, intii hagaagsanaydna ay awoodi wayday inay dareenkeeda Cabbirto. Xukuumadda iyo Inta Caqliga leh waxaanu leenahay wax badan baa Dalkii iska beddelay, waxyaabahaasina waa waxyaabaha keena Kacdoonka Ummadeed.”ayuu yidhi.