“Waxa Iga Dardaaran Ah In Doorashadu Wakhtigeda Dhacdo”

0
791

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay madaarka Hargeysa isaga oo shirar muhiim ah kaga qabgalaaya dalal Afrikaan ah iyo kuwo Yurub ah. Guddoomiye Faysal waxa uu ugu baaqay wasiirada xukuumadda Axmed Siilanayo in ay qaranka u shaqeeyaan, isaga oo ku eedeeyay inay u guulwadaynayaan madaxweynaha.

Waxa uu sida oo kale Eng.Faysal Cali wax lagu xumaado ku tilmaamay in labaatan sano kadib ay Somaliland u hanjabto maamul gobaleedka Puntland, waxaanu xukuumadda ugu baaqay in dadka la mideeyo oo ciidamada dhaqaale loo huro.

Guddoomiye Faysal Cali oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Waxaan galayaa safar, waxaan ku sii horayn doonaa  wadanka Tanzania  halkaas oo aan kaga qayb gali doono bishan shir ay leeyihiin wadamada ka tirsan ururka la yidhaa Socialist International, waxaana marti qaaday xisbiga haya talada dalka Tanzania ee CCM anaguna marti qaadkaas ayaanu ku jirnaa, waxaana ka qayb galaya aniga iyo ninka nooga wakiilka ah ururkaas, waxaana lagaga wada hadli doonaa  qulqulatooyinka ka taagan wadamada Afrika ee ay ka mid yihiin Soomaalida, koonfurta Suudaan iyo Congo, waxa kale oo lagaga hadli doonaa  dawlad wanaaga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadamadaas.”

Eng.Faysal Cali oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi“Waxaanan u sii dhaafi doonaa Finland aniga oo hal usbuuc joogi doona una sii dhaafi doona wadanka Jarmalka oo uu ka dhici doono shir la yidhaa German African Energy kaas oo ay iskugu iman doonaan wadamo badan oo Afrikaan ah, waxaanan u sii dhaafi doonaa wadanka Beljiem si aan ula kulmo midawga Yurub,waxaanan marka danbe tagi doonaa wadanka Ingiriiska, waxaasna badankooda waxa ugu weyn hawl qaran waayo aduunka waynu ka seexanay waxaana loo baahan yahay in sidii barigii jabhada la ahaa oo kale inuu qof waliba sidii uu ugu shaqaynayey inuu guddoomiyaha SNM ahaa in arimaha qaranka aan cidna lagu halayn oo xisbi ahaan loo ordaa, shakhsi ahaan loo ordaa, sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa himilada shacabka gooni isku taaga Somaliland ee loo gaajooday ee loo dhintay xabaalaha waaweyna loo yeeshay, anaguna cidna ku halayn mayno  waxaanu jecelnahay inaanu shaqayno haddii aanu xisbiga Ucid nahay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu ku dardaarmay in doorashooyinka wakhtigooda ku qabsoomaan waxaanu yidhi “Waxa iga dardaaran ah in doorashadu wakhtigeeda dhacdo waana inay dawladu nala shaqayso si aanay doorashadu dib ugu dhicin oo aynu u samayno diwaan gelin qurux badan, xooga waxaanu saaraynaa hada in doorashada wakhtigeeda la qabto oo isbedal khayr qabaa yimaado.”

Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu wasiirada xukuumadda ku eedeeyey inay gabeen xilkii loo igmaday, waxaanu sheegay in dhibaatooyinka shacabka haystaa ay taagan yihiin halkii ugu saraysay “ Waxaanad moodaa in dadkii la ilaabay oo masuuliyiinta dalku halkii ay iska dhisi lahaayeen shacabka ay u hayaan xilka ay iska dhisayaan madaxweynaha oo marka uu baxana ay wada raacayaan marka kalana ay madaxtooyada wada taagan yihiin, maantana shacabkeenu wuu gaajoonayaa maceeshadii iyo doolarkiina cirka ayay ku marayaan, cunto dhacday ayaana la keena taas oo keentay inuu dalka ku bato xanuunka kansarku, waxaanan leeyahay wasiirada  guul wadanimada iska daaya oo shacabka u shaqeeya, madaxweynuhuna idinkumuu odhan dadka caaya idinka oo aan la garanayn sida ay xaaladiinu tahay.”

Ugu danbayntiina guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu ka hadlay hanjabaadaha ka imanaya maamul Puntland, “Baryahan waxa soo noqnoqonaysa baala xoofto ka imanaysa maamul goboleedka Soomaaliye ee Garoowe arintaasina waa mid u baahan in dadka la baraarujiyo loona midoobo oo dawladu hor kacdo dadka sidii loo difaaci lahaa dalka, waana inagu ceeb in inaga oo intaas oo sanadood jirnay oo ciiddamo lahayn in maanta qolo yar oo meel isku urursatay oo isku reer ahi ay yidhaahdaan khariirada  ayaanu badalaynaa, waxay ina tusaysaa inaan waxba layskaga keen tirinayn,  waxaanan jecelahay inay dawladu ciiddanka gayso Xadka wixii la hayana loo huraa ciiddanka,”