“Waxa Hubaal Ah In Xukuumaddani Tahay Xukuumaddii Ugu Tirada Badnayd, Uguna Tayada Darnayd”,

0
969

Xildhibaan Maxamed-saalax

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu tirada badnayd, uguna tayada darnayd, marka loo eego Xukuumaddihii taladda dalka iskaga dambeeyey, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddan oo muddo xileedkeedii uu wax yari ka hadhay in waajibaadkii loo doortay aanay ka soo bixin.

Xildhibaan Maxamed Saalaa Cige, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye uu sharcigii jabiyey, isla markaana uu olole aan wali la gaadhin uu bilaabay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Intii aanay Xukuumaddan Kulmiye, taladda dalka ku guulaysan, weynu ognahay halkaynu maraynay, oo xidhiidh fiican baa inaga dhexeeyey Caalamka, Qiimaha Sarifku uu xadidnaa, Shilinkeenu qiimo iyo tayo ayuu lahaa, balse waxa hubaal ah in Xukuumaddani tahay Xukuumaddii ugu tirada badnayd, uguna tayada darnayd, maxa yeelay wax qarsoon maaha inay meesha ka baxeen Wadamadii xidhiidhka la lahaa Somaliland, oo dhabarka ayey inoo soo jeediyeen, in badan ayaa Xisbiga Kulmiye markii uu ahaa Mucaaradka ku cel celin jiray haddii aan taladda dalka ku guulaysto waxaan dhisayaa Xukuumad tiro yar oo tayo badan, balse waxaynu ognahay in maanta ay tiro dhaafeen Wasiiradda, Wasiir ku xigeenada, Wasiirul-dawlayaasha, La Taliyayaasha Madaxweynaha, iyo xil sugayaasha Mushaharaadka qaata, waxa wax walba ka daran halka uu maanta marayo Qiimaha Sarifku, oo aanu abid gaadhin”.

Xildhibaan Maxamed Saalax ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye yidhi “Wali wakhtigii loo asteeyey Ololaha lama gaadhin, waxa se dhacay sharci jabin ah in Xisbigii taladda dalka hayey ee Kulmiye uu sii bilaabay Ololaha, Komishii loo baahnaa inuu anshax mariyo, waxba kamuu qaban, waxa se dhab ah in haddii Xisbi Mucaarad ahi uu sidaas sameeyn lahaa in sharciga lala tiigsan lahaa, laakiin mar haddii Doorashadii muddo aad u yari inooga hadhay, dadka reer Somaliland waxaan ku gubaabinayaa inay dantooda gartood, oo Xisbiga Waddani, oo ka saari kara xaalada ay ku jiraan, inay doortaan, oo codkooda ku soo saaraan”.