“Waxa Ayaan Daro In Iyadoo Dagaal Diblamaasiyadeed Inagu Socdo In Dadkeenu Qaybsanaan Hoose Iyo Qabyaalad Ku Jiraan”

51
2953

Siyaasi Cabdilaahi-geeljire

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, ayaa baaq u diray Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay in aad looga feejignaado qabyaalada, iyo kala qaybsanaanta, xilli uu tilmaamay inuu jiro dagaal dublamaasiyadeed oo ay Dawladda Somaliya ay ku wado Somaliland.

Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo Dawladda Somaliya digniin u diray, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Somaliya wax alaale wax arsaaqa iyo aduun  ah oo ay inoo ogol yihiin ma jirto, nolosha ayey inaga qaban lahayeen haddii ay awood u helayaan, waxa wax aad loola yaabo  in Dawladda Xamar  ka talisaa inay sheegato Somaliland oo aanay iman karin, kana talin karin, waxaana u haboon Farmaajo iyo Maamulkiisaba inay ixtiraamaan Somaliland, kuna eekato halka uu ka taliyo, Somaliland kama taliyo, ee waxa ka Madaxweyne ah Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweynihii Qaranka Somaliland,waxa dhab ah in aanay marnaba Somaliland aanay wax shuqul iyo faragelin ah aanay ku haynin Somaliya, ee Dawladda Farmaajana faragelinta iyo gardarada ay Somaliland ku hayso ha joojiso, oo jaarnimada ha ixtiraamto, oo aanu ahaano laba dal oo jaar ah”.

Cabdilaahi Geeljire mar uu baaq u diraayey Xukuumadda iyo Shacabka ayaa yidhi “Waxa ayaan daro in iyadoo dagaal Dublamaasiyadeed inagu socdo in dadkeenu meel soke, qaybsanaan hoose, iyo qabyaalad ku jiraan, kana hadlayaan, markaas dadka waxaan leeyahay midooba, oo qabyaalada inaga daaya, cadawga inagu xeeran aynu iska ogaano, is bedelka Gobolkana aynu la jaanqaadno, Xukuumadduna umadda midaynteeda ha ka shaqeeyso, wax kasta oo la kala tabanayana sida ugu haboon u ha gasho, hana u dhammayso”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here