Wax Yaabaha Ugu Muhiimsan Ee Yaalla Qolkii Nebi Muxammed (Scw) Iyo Xogo La xidhiidha Dhismihiisa

0
21

Madiina (Geeska)- Ruux kasta oo muslim ah oo fursad u hela in uu soo guto waajibaadka xajka ama cimro u taga dhulka barakaysani waxa ugu muhiimsan ee uu ku fikiraa waa in uu soo booqdo qabrigii Nebi Muxammed (SCW) iyo labadiisii saaiib ee Abi Bakar Siddiiq iyo Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahaado labadoodaba) oo ku wada xaajan qolkii hurdada ee Nebi Muxammed ku lahaa guriga ay deggenayd xaaskiisii uu jeclaa, hooyadii muuminiinta Caa’isha Abi Bakar oo ku yaalla masaajidka Nebiga (SCW) ee magaaladii Maddiinah.

Caa’isha waxa ay nasiib u yeelatay in Alle hooyooyinkii kale ee muuminiinta kaga fadilay in qolkeedu uu noqdo kii nafta lagaga dhex guddoomay nebigii sharafta badnaa, sannadkii 11-naad ee taariikhda Hijriyada. Sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo arrintan xiisaha leh ay kaga sheekaysay shabakadda Al-Carabiya. Muxyaddiin Al-Haashimi oo ah cilmibaadhe u kuur-gala arrimaha labada xaram ee barakada leh, ayaa caddeeyey in Asxaabtu ay ku kala aragti duwanaatay halka ugu habboon ee ay tahay in ay ku aasaan Nebiga, geeridiisii ka dib, laakiin Abi Bakar (Alle ha ka raalli ahoodo) ayaa khilaafkii soo ururiyey markii uu sheegay hadal uu Nebiga ka maqlay oo ahaa, “Haddii uu Nebi geeriyoodo, halka ay naftu kaga baxdo ayuun baa lagu aasaa” meel ku began dhinaca koonfur xigta ee qolka nebiga gudihiisa ayaa godkii xabaasha uu ka qoday asxaabigii weynaa ee Abu Dalxa Al-Ansaari, halkaas ayaana lagu aasay Nebiga (SCW). Sannadkii 13-naad ee hijriyada oo ah laba sano kadib geeridii Nebiga waxaa isna geeriyooday Abi Bakar Siddiiq, oo lagu aasay xabaal barbar taalla, balse ka dambaysa xabaasha nebiga.

Qolka Nebigu waxa uu ka samaysan yahay caleenta timirta iyo labankii qarniyadii dhex guryaha lagu dhisan jiray. Waxa kale oo qolkan ku dhisan caleenta timirta, derbiyadiisuna waa ay gaagaabnaan jireen, illaa xilligii uu talada muslimiinta qabtay Cumar Bin Khadaab oo uu derbiyada sidii hore ka yara dheereeyey. Xilligii geeridiisu soo dhowaatay ayaa uu Cumar Bin Khadaab hooyadii muuminiinta ee Caa’isha Abi Bakar ka codsaday in ay u ogolaato in haddii uu dhinto lagu aaso qolkeeda si aanu uga fogaan labadiisa saaxiib. Arrintaas oo sida la sheegay ay marka hore niyadda ku haysay Caa’isha in iyada lagu aaso qolkan, waa ay ka tanaasushay markii Cumar Bin Khadaab ka codsaday oo isaga ayaa ay u ogolaatay.

Caa’isa waxa ay dhistay derbi kala qaybiyey qolkii Nebiga oo uu ka dhigay qayb xabaalo ah iyo qayb ay deggen tahay, sidaas ayaanu qolku u kala xidhnaa tan iyo xilligii Waliid Bin Cabdalmalik uu qabtay talada muslimiinta ee dawladdii Umawiyiinta oo ku beegnayd 86-kii illaa 96-kii Hijriyada. Waqtigaas ayaa uu gidaarkii qolka ku kala xidhnaa iskii u dumay. Cumar Bin Cabdalcasiis ayaa tegey qolka oo soo arkay in gidaarkii uu dumay oo weliba uu ku dul dumay qubuurihii, sidoo kale xabaalihii uu dumiyey oo ay muuqatay cagta hoose ee Cumar Bin Khadaab oo bannaanka u soo baxday. Markaas ayaa uu Cumar bin Cabdalcasiis dhisay mar kale isaga oo adeegsaday dhagax qoran oo madow oo u eeg dhagaxa kacbada ku dhisan.

Maxaa yaalla

Cilmibaadhe Al-Haashimi waxa uu sheegay in albaabka keliya ee laga geli karo qolkan oo ku yaalla dhinaca bari uu cimrigiisu jiray 600 oo sano, marka gudaha hore qolka loo galo waxaa aad arkaysaa dhulka oo uu yaallo marmar midabkiisu caddaan yahay oo la dhigay xiligii uu boqortooyada Sucuudiga ka talinayey boqor Faysal. Haddii aad hore u socoto, waxaa yaalla sariirtii hurdada ee Faadumo Rasuul (Faadima Sahraa, Alle ha ka raalli ahaado, ina Nebi Muxammed. SCW)

Sariirtu halka ay taallo waxaa ka sii dambeeya mixraabkii ay ku tukan jirtay, halka ay sariirtu taallana sida uu taariikhyahankani sheegay waxa ay ku began tahay halkii lagu kaydin jiray hadyadaha qaaliga ah ee boqorrada iyo madaxda kala duwan ee dunidu soo direen, laakiin hadda hadyadahaasi ma yaallaan oo mar dambe ayaa dawladihii jiray u qaadeen magaalada Istanbul, waxa aanay illaa maanta hadyadahaasi yaallaan qasriga Toob Kaabi ee magaaladaas.

Muxyaddiin waxa uu sheegay in qolka Nebiga (SCW) aanay cidi gudaha u gelin intii u dhexeysay 91-kii Hijriyada illaa 5tii Shuwaal sannadkii 881-kii Hijriyada, toddobadaa boqol ee sano kadib ayaa uu dillaacay derbiga dhinaca woqooyi ee gidaar aad u dheer oo aan albaab lahayn oo ku wareegsanaa muddadaasba qolka Nebiga. Xilligaasna waxaa qolka gudaha u galay oo keliya Nuuraddiin Samhuudi oo ahaa caalim dhintay sannadkii 911-kii oo ah Sheekha qoray khtaabka Wafaa’ Al-Wafaa’.

Sheekha oo ka warramay qolka gudihiisa waxa uu ku arkay, ayaa kitaabkiisaa ku sheegay in uu dhulku yahay mid qurux iyo bur-ciid ah, casaan midabkiisu yahay, wax boodh ahna aanad ku arkayn. Qolka Nebigu dhulka uu ku fadhiyaa waxa uu masjidka Nebiga (SCW) u jiraa qiyaas ah 60 sentimitir, marka aad dul istaagtana saddex qabri dhulka ayaa ay la siman yihiin, mana laha tuul ka sarreeya iyo dhinacyada wax ka taagan. Xilligaas ayaa dib si fiican logu dhisay qolka oo saqafkii hore laga beddelay, dusha sarana looga sameeyey qudbi yar oo ku began halka hadda uu ka dhisan yahay qudbiga cagaaran ee qabriga nebiga astaanta u ah.

Markii dhismaha la dhammaystiray ayaa dib loo dhisay gidaarkii ku wareegsanaa, ka dibna gidaar kale oo saddexaad lagu wareejiyey, kaas oo dhisan illaa maanta, oo uu leeyahay daaqad keliya balse aan Kadin loo samayn. Laakiin daqaddaasi waxa ay ku burburtay dab ka kacay Xaramka Nebiga (SCW) 13-kii Ramadaan ee sannadkii 886-kii Hijriyada, laba sano kadib oo ahayd 888-kii ayaana daaqaddii lagu beddelay mid dahab ah oo illaa hadda ku jirta.