“Wax Kasta Oo Caafimaad Daro Iyo Dhib Ku Keenaya Umadda Waa In Laga Feejignaado”

0
992

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye, ayaa ku baaqay in xil iyo masuuliyad la iska saaro ilaalinta iyo daryeelka Caafimaadka umadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Wixii Raashin ama Sharaab ah baadhistooda iyo daba galkooda waxaa ku shaqo leh oo loo igmaday Hay’adda Ilaalinta Tayada Somaliland, Hay’addiisana dabcan shaqadeeda iyo waajbaadkeeda si fiican bay u gudataa, laakiin sidaas oo ay tahay cid kasta masuul baa ka saaran ilaalinta caafimaadka umadda, wax kasta oo caafimaad daro iyo dhib ku keenaysa umadda waa in laga feejignaada, qof kastana wuxuu uu masuul ka yahay inuu si fiican uga soo baxo ayaa fiican”.

Agaasimaha Caafimaadka oo ka hadlaya Siyaasada Xukuumadda ee Caafimaadka ayaa yidhi “Caafimaadka umadda oo la hagaajiyo, daryeelkooda Caafimaad oo la hagaajiyo, cudurada iyo xanuunada oo lala dagaalamo, waa Siyaasadeena, ha noqoto Cusbitaalada Dawladda, MCH-yada iyo guud ahaan Xarumaha Caafimaad ee Dawladda ee ku kala yaala Gobolada kala duwan ee Dalka, Wasaarad ahaan way naga go’an tahay in aanu tayadooda sare u qaadno, ilaa haddana si fiican bay hawshu inoogu socota, markaas mar walba way naga go’an tahay in aanu hagaajino oo aanu sare u qaadno daryeelka Caafimaadka umadda”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here