Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Itoobiya Oo Hargeysa U Imanaya Dhibaatadii Ka Dhacday GAASHAAMO Iyo Xaaladihii U Dambeeyey Ee Deegaanka Jaamac Dubbad

0
477

Hargeysa (Geeska)-Wasiirul dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dawladda Fadaralka Itoobiya iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in haddii ALLE idmo Sabtida ay dalka ku yimadaan socdaal ay kulamo la yeelan doonana masuuliyiinta ugu sarraysa qaranka Somaliland.

1

Warar xog-ogaal ah oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in socdaalka Weftigan Itoobiya uu salka ku hayo xal u raadinta dhibaatadii ka dhacday Deegaanka Gaashamo ee Ciidamada Itoobiya ay maalmo ka hor ku laayeen dadka tirada badan ee rayidka maatada u badan ahaa, iyada oo la filayo in kulan ka dhici doona isla maalinta Sabtida aqalka Madaxtooyada ee Somaliland ay  wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo masuuliyiinta u sarraysa ee Somaliland ay aad ugaga wada hadli doonaan dejinta xaaladda, baadhista waxa dhacay iyo xal u helidda dhibaatada ka taagan deegaanka Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo sidoo kale guud ahaanba xaaladaha noocan ah oo marar kala duwan soo noqnoqday.

In kasta oo degmada Gaashaama ee ay dhibaatadu markan ka dhacday ay ka mid tahay dhulka Itoobiya haddana sida la og yahay waxa ay ka mid tahay dhul aad u ballaadhan oo ay deegaankiisa leeyihiin dad abtirsiin ahaan ka soo jeeda Somaliland oo dega labada dhan ee xuduudka, sidaa awgeed dhibaatada ka dhacda dhinac xadka ka mid ahi waxa ay saamayn toos ah iyo mid dadban oo amni ku yeelanaysaa ammaanka dhinaca kale iyo guud ahaan ammaanka xuduudka labada dhinac u dhexeeya, sidaa awgeed wararka uu Geeska Afrika helayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Itoobiya iyada oo dareenkaas qabta ay arrintaas xal u raadinteeda u imanayso Somaliland. In kasta oo laga yaabo in wada hadalladu aanay intaas ku koobnayn oo ay sidoo kale isla eegi doonaan guud ahaan xidhiidhka labada dhinac oo dabcan amnigu ugu muhiimsan yahay.

War uu Geeska Afrika helay ayaa isaguna sheegaya in maalintii shalay ay kulmeen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, iyaga oo la filayo in ay ka wada hadleen isla arrintan GAASHAAMO laakiin labada dhinac midkoona kama ay hadal, wararka uu Geeska Afrika helayaana waxa ay sheegayaan in imaatinka wasiiru-dawlaha Itoobiya iyo kulamada wada hadalka labada dhinac kadib ay xukuumadda Somaliland si rasmi ah uga hadli doonto arrinta GAASHAAMO iyo weliba waxa ay iskala meel dhigeen dawladda Itoobiya.

Dhinaca kalana wararka laga helayo deegaanka Jaamac Dubbad ee dadka badan ay ciidamada Itoobiya ku laayeen ayaa aad u yar, iyada oo khadadka talefannadu aanay shaqaynayn sabab aan la garanay awgeed, waxase jira warar sheegaya in deegaanka guud ahaan ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo dhinaca Itoobiya ah, isla markaana ay ka tallaabidda xadka aad u xakamaysay dawladda Itoobiya.

Dhinaca Somalilandna waxaa magaalooyinka waaweyn ka jira dhaqdhaqaaq madax-dhaqameedka beesha ay ka soo jeedeen dadka la dilay kaga arrinsanayaan waxa dhacay, iyada oo shirar beeshu ku yeelatay Burco iyo Hargeysa la sheegay in ay u badan tahay in ay ka soo baxaan go’aan ah in aan dagaal iyo dhibaato colaadeed lagaga jawaabin arrintan lagana war sugo go’aanka Itoobiya iyo Somaliland iyo hadba sida arrintan xalkeeda ay u galaan.