Wasiirul Dawlaha Amniga Oo Ka Halka Ay U Marayaan Hawlihii Xal U Helidda Colaaddii Dharkeyn-Geeyo

0
500

Hargeysa (Geeska)-Wasiirul dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Somaliland oo gurmad nabadayn ah ku jooga gobolka Sool, ayaa sheegay in nabadayntii ay u tageen gobolka Sool iyo daminta colaada Dharkayn-geeye ee  khasaaraha dhalisay ay meel wanaagsan u marayso.

1

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa isaga oo arintan k ka hadlaya yidhi “Meel wanaagsan ayay noo maraysaa ciidamadii labada beeloodna waanu kala qaadnay wax dhibaato ah oo   imika halkaa ka jirtaana ma jirto waxaa kale oo aanu kulamo la yeelanay waxgaradka labada dhinac oo aanu ka wada hadalnay in aan wax dambe dhicin, intaa ka dibna waxaa looga gudbayaa in arrinta la soo afjaro oo aanay wax dambe dhicin ama aan cid dambe iskaga keen dhiman”

Wasiirul dawlaha amniga oo la waydiinay goorta ay labada dhinac isu keenayaan iyo sida ay uga hor tegayaan in dhibaato dambe ay dhacdo,waxa uu yidhi  “Imika waxa ugu weyn ee aanu  ka hawl-gallay waxay ahayd in dhiigga daadanaya la joojiyo oo aan dad iskaga keen dhiman iyo  wixii dhib ah ee jirta si nabad ah looga wada hadlo,waxaa kale oo aanu sugaynaa Madaxdhaqeedka Somaliland oo ka qeyb qaadanaya nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah taana waan gudo-galaynaa.”

Wasiirka oo la waydiiyay in shaqadii guurtida ay ahayd nabadaynta beelaha xurgufuhu ay dhex maraan isla markaana ay Xukuumaddu kala wareegtay taasina ay keeni karto in beelaha qaar ku kalsoonaan waayaan waan waanta Xukuumadda, waxaanu yidhi  “Horta  annagu(Xukuumadda) dawlad ayaanu dalka ka nahay oo masuuliyad ayaa  naga saaran  in colaad aan wax tarayn oo dad nagaga dhintana ogolaan mayno intaan ka hor tegi karnana waan ka hor tegaynaa, Guurti iyo Madaxdhaqameedba  arrinta nabadayntuna way u furan tahay waanay noogu imanayaan laakiin dhiiga daadanayay ayaanu joojinay oo ciidankii Qaranka,ayaa kala dhex galay oo deegaamadii shaqaaqadu ka dhacday hadda ciidankii Qaranku  waxay degaamo iyo xeryo ka samaysteen si aanay dhib dambe uga dhicin.”

Waraysigan oo aanu ka soo xigannahay shabakadda hadhwanaag waxa uu wasiirka kaga jawaabay su’aal la xidhiidhay warar sheegaya in bandoo lagu soo rogay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool waxa aanu yidhi, “Ma jirto   bandoo lagu soo rogay laakiin waxaanu diidnay oo aanu mamnuucnay in hub la qaato oo dadka rayidka ahi iyagoo hubaysan ay magaallooyinka dhex maraan waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo ciddii aanu arrintan ku qabanno.”