Wasiiro Somaliland Ah Oo Ka Qayb Galaya Shirka Tana Forum

0
713

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha dibada Md.Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa ka qaybgalaaya shirka TANA FORUM oo lagu qaban doono dalka Itoobiya.

 Waxaanay sidaas ku sheegtay wasaarada arimaha dibada Somaliland warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa afhayeenka ahna madaxa baratakoolka wasaaradaas Axmed Yuusuf Cilmi, waxaana war saxaafadeedkaas oo dhamays tiran uu u dhignaa sidan  “Waxa wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskashiga Calimaga ah ee JSL, Mudane Maxamed Bixi Yoonis, Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Waran Cade, Safiirka Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Aden Nux dule, ay ka qayb galeen Booqashada  boqoradda Ingriiska  oo ku sugan magaalada Adisababa.

isla shalay waxa kulan laba geesood ahi dhex maray wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed Warancade iyo Gudoomiye ku xigeenka midawga Afrika, Mudane, Mwencha.

kulankaas wasiiradda waxa ku weheliyey masuuliyiinta safaaradda JSL ee Itobiya.

Waxa kaloo Jamhuuriyada Somaliland markii ugu horeysa ay martiqaad ka heshay shirka la yidhaado TANA FORUM oo saddexdii sanoba mar la qabto. shirkaasi waxaa ka qeyb galaya wasiirka arrimaha dibeda &iskaashiga caalamiga ah mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed  Warancade.

waxaana qabanqaabiyay shirkaas jumciyada quruumaha ka dhexaysa iyo midawga Africa(AU).

waxa shirkaasi ka soo qeyb galaya dhamaan diblomaasiyiinta ADDISABAB U JOOGA DALALKA CAALAMIKA OO DHAN.

maalinta barri ah ayay u anbabaxayaan labda wasiir magaalada BAHRADAAR oo shirku ka furmi doono. waxaana sharkaasi lagu lafo gurayaa oo lagaga hadlayaa NABADA IYO XASILOONIDA  geeska afrika gaar ahaan  SOMALIA.”