Wasiiro Dalka Kenya U Tagay Sidii Ay Shir Ula Qaadan Lahaayeen Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Markii Ugu Horaysay

0
851

 

somalilandflaggHargaysa(Geeska)-Wafti balaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay u kicitamay wadanka Kenya, halkaas oo sida ay sheegeen ay kulan kula yeelan doonaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Wasiirka arimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal kula hadlay saxaafada isaga oo ay waheliyaan wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, wasiirka shaqada iyo arimaa bulshada marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo gudoomiyaha guddi hoosaadka arimaha dibada ee golaha wakiilada Xuseen Maxamed Cige. “Aniga iyo waftigan baladhan ee ka socda xukumaada iyo baarlamaanka Somaliland waxaanu u baxaynaa wadanka Kiniya caasimadiisa Nayroobi, halkaasi oo aanu kaga qayb galayno shir uu qaban qaaban-qaabiyay golaha amaanka ee qaramada midoobay, kaas oo Somaliland lagu soo casuumay inay shirkaasi si toosa uga qayb gasho, waxaanu noqon doonaa fadhi u dhaxeeya qaramada midoobay golaheeda amaanka iyo Somaliland oo qudha”

Golaha ammaanka ayaa shir la yeelan doona qaybaha kooxaha Somalida, waxase uu wasiirku sheegay inaanay Somaliland dhex fadhiisan doonin kooxahaas balse si gaar ah loola kulmi doono, isagoo ku dooday inay shuruud ka dhigeen in gaar loola kulmo oo laga gaar yeelo kooxaha Somaliya.

Wasiirku, wuxuu sheegay inuu shirkaasi faa’iido iyo sharaf u leeyahay Somaliland, “Shirkaasi waxa aanu kaga hadli doonaa waxa weeye qadiyada Somaliland, himiladeeda iyo inay Somaliland tahay dal nabad galyo ah, ku dhisan nidaamka dimuqraadiga, xoriyadiisuna madax banaantahay, dunidana ka doonaya ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Waana noo sharaf inay markii u horaysay tahay ee ay Somaliland la kulanto golaha amaanka ee Qaramda Midoobay.”