Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadal Uu Wasiir Maxamed Xaashi Ku Sheegay Inay Dumaysay Xukuumadii Daahir Rayale Kahahin

0
585

odaycawilHargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadii hore Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu Wasiirka maaliyadda ee xukuumadani Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ku duray xukuumadaas hore, isagoo sheegay inay ku dumi lahayd haddii aanay doorashadu ka soo gaadhin.

Wasiir Maxamed Xaashi, oo toddobaadkan ka hadlayay kulan ay wasaaradda maaliyadu Hargeysa ku qabatay, ayaa wuxuu yidhi, “Waxaynu ognahay dawladii naga horaysay ee aanu dhaxalnay haddii laba bilood aan doorashadu ka soo gaadhin oo ay sii jiri lahayd way dumi lahayd ayaan qabaa, waayo heer ayay gaadhay ay waxba bixin kari wayday, musuq maasuquna cirka maray, mushaharkii shaqaaluhu afar bilood maray, raashinkii ciidamada loo tamar waayey, ilaahay inay ku mahadiyaan ayey ahayd ka furtay dhibaatadaas.”

Hase yeeshe Md. Cawil, oo shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa hadalka Maxamed Xaashi ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo deelqaaf ku ah xukuumadii hore iyo wax qabadkeedii. Cawil wuxuu sheegay inaanu jirin wax mushahar ah oo ciidamada iyo shaqaalaha ka baaqday, waxase uu sheegay inay labadii bilood ee u dambeeyay hakiyeen mushaharkii shaqaalaha dhaqaalihii doorashada la gelinayay darteed, isagoo ku dooday inaanay jirin mushahar iyo raashin ka baaqday ciidamada kala duwan ee dalka toddobaadii sannadood ee uu wasiirka maaliyadda ahaa. “Dawladii hore waxay ku amaanantahay waxyaabihii ay qabteen 7dii sananadood ee ay joogeen, taasi waa koow, ciidamada maanta aynu ku faanayno annagaa dhisnay oo ah dawladii hore, dawladii hore ayaa ilaa Lascanod Puntland ka xoraysay, dawladnimaduna waa cudud, cudud ayaanu samaynay ay umadeenu ku faani karto mustaqbalka guddo iyo dibadba, Ina Xaashi markaan ciidankaas dhisaynay xagguu joogay, wasaaradda ganacsiga ayuu joogay oo waxba wuu ka qaban kari waayay, ta’ labaad dakhiliga waxaanu ka qaadnay 79 Bilyan, waxaanan gaadhsiinay 300 iyo dheeraad, dakhiliga halkaas ayaanu gaadhsiinay, r doorashadii iyo diiwaangelintii lacagta aanu gelinay ina Xaashi kama soo bixi kareen, laba diiwaangelin iyo doorashooyin ayaanu galnay ay tii madaxtooyadu ugu dambaysay, waxaan aaminsanahay inaanu Ina Xaashi mid qudha ka soo bixi karin oo mid kasta.” Ay uu yidhi Cawil Cali Ducaale.

Cawil, oo la weydiiyay inuu aaminsanyahay hadalka uu Wasiir Maxamed Xaashi, ku sheegay inay dawladu ku dumi lahayd haddii aanay doorashadu ka soo gaadhin, wuxuu sheegay inay mushaharka iyo raashinka ciidamada bixiyeen balse uu hakiyay mushaharkii shaqaalaha ee labadii bilood ee u dambeeyay, waxaanu ku jawaabay  “Xaasha’e nagumay dumayn bishii April iyo May ayaan anigu wasiir ahaan hakiyay mushaharkii shaqaalaha, wixii aan ciidamada ahayn waayo doorashadii ayaanu muhiimad xoog ah siinay, waxaanan aaminsanayn haddii aanay doorasho dhicin in dalkeena lagu kala yaacayo, waxaanay doorashadaasi noqotay mid saldhig u noqota dawladnimadeena iyo saldhigeena waxaanay naga ahayd dacaayadii la faafiyay ee inaanay dawladu rabin doorasho aanu meesha ka saarno umadana buuq dhex iman, guddoomiyaha komishanka haddii aad warsataana wuu kuu sheegi karaa culayska aanu ka dabaalanay baaxadda uu lahaa. Ciidamadu mushaharka iyo raashinka sidii ayuun bay u qaateen, waxaana la waraysan karaa ciidamada kala duwan ee dalka oo aan marna la hakin waxooda,  shaqaalaha ayuun baanu hakinay oo waxaanu ku xisaabtanay in haddii doroasho dhici weydo dalku inaga burburayo.”

Mar la weydiiyay eedda musuqa ah ee uu Wasiir Maxamed Xaashi u jeediyay xukuumadooda, wuxuu ku jawaabay, “Wax allaala wax musuq ah oo jiray ma jirin, anigaa wasiirul maaliya ahaa, waxaanan had iyo jeer odhan jiray oo aan saxaafadda ku odhan jiray bal ii sheega meesha musuq ku jiro oo farta iigu fiiqa anigaa talaabo deg deg ah ka qaadayee, Ina Xaashina ilaa wakhigii Cigaal musuq ayuu ka hadlayay., dakhligu si fiican ayuu u jiray, waxaan odhan jiray waar bal ii taabo meesha , mararka qaarna Ina Xaashi waan u naxaa umana jawaabi jirin markaan wasiirul maaliyaha ahaa. Markaas  bal doorashooyin ayaa soo socda ee aan eegno inuu Ina Xaashi ka baxo, horena waxaan u idhi  haddii uu 5% ku daro dakhiliga halka aan gaadhsiiyay bilad ayaan siinayaa. Markaas toddobaadaas sannadood la soo heli maayo bil keliya oo aanu bixin kari weynay mushaharka shaqaalaha iyo mushaharka iyo raashinka ciidamada kala duwan ee dalka, marka laga reebo labada bilood ee u dambeeyay ee aanu hakinay mushaharkii shaqaalaha dhaqaalihii doorashada ku baxayay darteed oo wixii aanu haynay aanu doorashada gelinay.”