Wasiirkii Hore Ee Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Safarkii Wasiirka Qorshaynta Ee Sanaag-Bari

31
3090

Hargeysa (Geeska)- Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Kaluumaysiga Cali Maxamuud Jaamac (Buureed), ayaa ka digay inay Somaliya ku soo gudubto xadka iyo xuduuda Somaliland, xilli Wasiirka ka tirsan Somaliya, uu yimid Somaliland, gaar ahaan Sanaag Barri, oo uu ka soo jeedo, waxaanu Xukuumadda kula taliyey inay waajibaadkeeda ka gudato, oo ay awoodo saarto sidii aan looga soo xad gudbi lahayn Xaduudaha Somaliland.

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Kaluumaysiga Cali Maxamuud Jaamac (Buureed), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaaugu horeyn yidhi “In Xuduudeena ay Madaxda Somaliya timaado, foowdo ayey keenaysaa, imika Dawlad baa jirta, ee Dawladda cusub ee dhalatay cida masuul uga ah inay awooda saarto sidii loo sugi lahaa xaduudaha Somaliland si aan loogu soo xad gudbin ayaa muhiim ah, Madaxda Somaliya waxaan leeyahay xadkiina ku eekada, oo ka dheerada wixii keenaya foodo iyo dhibaato, Xukuumaddii hore haddan Wasiir ka ahaa, hadda Shacab baan ahay, balse taladdaydu waa yaan xadkeena iyo xuduudeena marnaba lagu soo xad gudbin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here