Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Oo Ka Hadlay Shidaalka Xun Ee Dalka Qasay

30
2921

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay Shidaalka xun ee la keenay dalka kaas oo dhibaato gaadhsiiyay gaadiid badan oo ay dad shacab ahi leeyihiin, iyadoo aanay weli jirin shirkad gaar ah oo qiratay inay shidaalkaas xun dalka keentay.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan“Waxa laga yaabo in Shirkaddaha Shidaalka keena, aanay dambiga wada lahayn, ee cida keentay Shidaalka xun waa in lagula xisaabtama khasaaraha dhacay, Shirkaddaha Shidaalkana waxa la gudboon inay keeneen Shidaal tayo leh, oo aanay dalka keenin Shidaal xun, Shidaalkan xuna meel kale kama iman ee waa in Shirkadda keentay ama Shirkaddaha keenay ay sida ugu dhakhsaha badan ugu jawaaban”.

Mar uu ka hadlaayey Laabka lagu baadho Shidaalka ayaa yidhi “Waxay ahayd in laabku soo saaro Shidaalkan xumaaday, waxa se is weydiin leh sababta uu u soo saari waayey Shidaalka xun”.

Mar uu ka hadlaayey cida keentay Shidaalka xun iyo talaabada kala gudboon Xukuumadda ayaa yidhi “Dawladdu xaq bay u leedahay inay talaabo ka qaado haddii ay Shirkadduhu soo caddayn waayaan sababta ku kaliftay in Shidaalkan xun dalka keenaan, madaama ay Dawladdu iyaga u xilsaartay, waana inay Dawladdu talaabada ugu haboon ka qaado ciday ku caadato inay dalka keeneen Shidaalkan xun”.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Saajin, oo isna Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey Shidaalkan xun ee dalka la keenay, waxay kala socdaan Xukuumad ahaan iyo waxa ugu meel yaala ayaa yidhi “Shirkadaha Shidaalka dalka keena, wax baanu u qornay, wax baanu la soconaa, waxna waanu ognahay, waxna waanu sugaynaa, talaabana waa laga qaadayaa”.

Dhinaca kale wuxuu ka digay in dalka la keeno Shidaal xun, waxaanu dhammaan Shirkadaha Shidaalka keena ugu baaqay inay dalka keenaan Shidaal fiican oo tayo wanaagsan leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here