Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Widh-widh

0
994

Cabdi-Awdaahir-300x233

Burco(Geeska)-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Deegaanka Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali iyo wefti uu Hoggaaminayo ayaa shalay gaadhay degmada Widhwidh ee gobalka Buuhoodle, waxaana si diiran u soo dhaweeyay dadweynaha reer Widhwidh.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxa socdaalkan ku weheliya Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka qaranka ee Aaga Bari, waxa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Widhwidh odayaasha iyo waxgaradka degmada Widh-widh. Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii ku qaabilay degmadaasi Xoghayihii warfaafinta iyo birmadka ururka nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf oo isagu hore uga soo horjeestay aragtida hubaysan ee kooxdaas.

Wasiir Cabdi  Aw Daahir, ayaa sheegay in safarkiisu la xidhiidho kormeerka hawlo horumar ah oo ay xukuumadda Somaliland ka fulisay deegaankaas, kuwaas oo ah baahiyaadka aasasiga ah ee bulshada, kuwaas oo uu qiimayn ku soo samayn doono.

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu xusay in mudada uu joogo uu kulamo kala duwan la yeelan doono maamulka degmada, Cuqaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Widh-widh.

Waxa hore degmada Widhwidh u booqday wefti Somaliland ah oo halkaas heshiis kula soo saxeexday Garaad Abshir Saalax, oo ka mid ah madaxdhaqameedka beelaha gobalka Sool.