Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Hadlay Daan-Daansiga Dagaal Ee Soomaaliya

29
3239

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka digay xad gudubka Puntland iyo Somaliya ee xuduudaha Somaliland, waxaanu sheegay in xad gudubkaas dhib mooye aanay marnaba faa’iido ka helayn, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidamadda Qaranka, oo uu sheegay inay si fiican u difaacan qaranimada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka ku dhaqan Deegaanada Beri ugu baaqay inay Ciidankooda garab taagnadaan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Dawladdu arintan war murtiyeed ayey ka soo saaraysaa, Golaha Wasiiradduna go’aan ayey ka gaadheen arintan, Ciidamaddeena Qarankuna dalka ayey difaacayaan, aniguna Ciidamadda Qaranka waan ku hambalyeynayaa difaaca ay qaranka ay difaacayaan, kuwaas oo Qaranimadeena si fiican u difaacay, Somaliya iyo Puntland gardarada iyo xad gudubka wadaan waxaan leeyahay khasaare mooye faa’iido ka heli maysaan”.

Wasiir Faratoon mar uu shacabka baaq u diraayey ayaa yidhi “Shacabka Deegaanada Barri waxaan ugu baaqayaa inay ciidamadooda la guntadaan, oo ay is garab taagan, oo dhankooda ka ilaaliyaan difaaca dalka, Somaliland nabada ayey jeceshay iyo  inay wadamada jaarka ah nabad kula noolato oo ay kula jaarto ayey jeceshay, balse marnaba raali kama nihin in si gardaro ah xadkeena lagu soo xad gudbo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here