Wasiirka Warfaafinta Oo Eeddo U Jeediyay Xisbiga Waddani

0
627

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka    Wasaaradda   Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa ku eedeeyay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI inay dibadda u rareen si ay ula kaashadaan cadowga Somaliland  mudaharaad ka dhan ah saldhigga millatari ee dawladda  Imaaraadka carabtu ka samaysanayso Madaarka Berbera, oo ah heshiis sharci ah oo laga xalaaleeyay goleyaasha baarlamaanka ee (Guurtidda iyo Wakiillada).

Wasiirka Warfaafintu, waxa uu qurbo-jooga Somaliland ee ku nool Ingiriiska ugu baaqay inay dhabarka u sii jeediyaan oo aanay ka qaybgalin  Mudaharaadka Soomaaliya soo abaabushay ee lagaga soo horjeedo heshiiska Somaliland ay imaaraadka ku siisay saldhigga Millatari ee 2-da Bishan March oo maanta oo khamiis ah ay iclaamiyeen inay ka dhigayaan safaarada Imaaraadku ku leeyihiin London.

Wasiir Caddaani, waxa uu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa kaloo uu ka hadlay baahinta idaacadda Radio Hargeysa oo lagu soo kordhiyay laba saacadood oo cusub. Waxa kale oo uu ka hadlay caafimaadka madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inuu caafimaadkiisu taam yahay isla markaana uu ku gudo jiro booqashada gaarka ah ee uu ku joogo Ingiriiska.
“Nidaamka Dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waa sifo sharci ah oo waajibinaya in arrimaha  lagu kala aragtida duwanaan karo ee  laysku qabto, in loo maro dariiqa sharci ee Dastuurka JSL uu tilmaamayo oo hadday arrintaasi u baahan tahay   Baarlamaanka in la mariyo, si ay uga gutaan waajibkooda, kadibna loo wada hoggaansamo wixii aqlabiyaddu isku raacdo.   Madaxda ugu sarreysa ee Xisbiga WADDANI oo weliba Musharraxoodu  yahay Guddoomiyaha Golaha sharci dejinta ee Golaha Wakiilllada, waxa uu  si toos ah u jebiyey qoddob Dastuuriya, kadib markuu ka horyimid go’aankii sharci  ee sida aqlabiyadda ugu ansixiyeen Baarlamaanku,  oo ah labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiillada ee ay ku  oggolaadeen in  Madaarka Berbera  dalka Imaaraadka Carabta ka sameysto saldhig Millatari,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu sheegay in bisaylka shacabka Somaliland awgeed uu waayay cid uga mudaharaada dalka gudihiisa ay go’aansadeen inay dibadda u raraan si ay taageero uga helaan cadowga dal, waxaannu yidhi; “Xisbiga WADDANI waxa uu gudaha dalka ka bilaabay ololeyaal uu dadweynaha ku wacyigelinayey inay ka mudaaharaadaan go’aankii sharci ee  Golayaasha Qaranku ansixiyeen  ee saldhigga Madaarka Berbera, balse nasiib wanaag  biseylka siyaasadeed ee uu gaadhay shacbigu awgeed way ku guul-darreysteen.

Intaas oo tallaabo oo shuruucda dalka wada khilaafsan,  kumay joogsan Madaxda Xisbiga Waddani ee uu C/raxmaan Cirro horkacayey, waxayna la noqotay inay guul ku gaadhi karaan oo kaliya, iyagoo u rara mudaharaadka dalka dibeddiisa si ay ula   kaashadaan kuwa cadowga ku ah jiritaanka Qaranimo ee JSL, iyagoo u arkay in kuwaasi ay ka heli karaan xoog, xeelad iyo dhaqaaleba ku biirin karaan, dabadeed sidaa ayey ugu rareen magaalada London, maadaama uu horena Farmaajo arrimaha Berbera qeylo dhaan gaadhsiiyey dibedda iyo gudaha Muqdishaba.”

 “Dhaqaale badan ayey ku bixiyeen Madaxda Xisbigu siday u  iclaamin

lahaayeen  mudaharaadkaasi waqtga uu qabsoomayog iyo goobta, iyagoo baahintii ogeysiiska mudaaharaadka oo aan meelna k asoo gelin sharciyada ogeysiisyada la nooca ah, ayaa waxay u adeegsadeen Warbaahin ka mida kuwa u tafa-xeydan  burburinta amniga iyo xasiloonida ay Somaliland ku caano maashay, si  loo dumiyo jiritaanka qaran ee JSL. Haddaba, Jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan dalka UK , waxaan ugu baaqaynaa inay  mashruucaa la dul keenay ee cadowga  Somaliland ay la kaashadeen maangaabyada Xisbiga Waddani  u fashiliyaan sidii ay dadkooda gudaha ku sugani u fashiliyeen oo kale,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

 Wasiirku waxa uu sheegay in caafimaadka madaxweynuhu wanaagsan yahay isla markaana magaalada London ee   dalka Ingiiska u tagay hawlo u gaar ah,waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxa uu ii sheegay markii uu dalka ka dhoofay  in uu hawlo u gaar ah   u tagayo  magaalada London,  Hadda  waxa uu ku sugan yahay magaalada London, caafimaadkiisuna aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay. waxaan Ilaahay ka baryaynaa  in uu innagu soo laabto  isagoo caafimaad buuxa qaba cimri dheerna Ilaahay ha u raajiyo.” 

Geesta kalena, waxa uu  Wasiirku sharraxaad ka bixiyay  laba saacadood oo dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay baahintii idaacadda Radio Hargeysa, waxaannu yidhi;  “Idaacadda Radio Hargaysa,  laba saacadood    ayaaan ku daraynaa  saacad subax  ah iyo    saacad   habeenkii   ah. Waxaanu  ummada Somaliland ugu bushaaraynayaa  meel kasta oo ay joogaan  iyo ciidammada Gambadha ka dhagaystaba  in aanu saacado ugu  daray Radio Hargaysa leh barnaamijyo cusub oo tayaysan. Subaxdii   9:30  subaxnimo  ayay  ka bixi doontaa,habeenkiinna halkay  10:00 habeenimo   ka bixi jirtay, waxay ka bixi doontaa   11:00 habeenimo.”

Wasiirka oo la weydiiyay siday ugu suurtogashay inuu shaqaalaha wasaaradiisa oo dhan intii isku shaqo ahba uu u qoray gunno siman,waxa uu sheegay inaanu wax dheeraad ah sameynin hase ahaatee uu ku guulaystay inuu shaqaalaha dhexdooda u caddaalad sameeyo, taasina ay tahay mid looga dan leeyahay in shaqaalaha wasaaradu noqdaan qaar kala mushahar badan iyagoo shaqadoodu isku mid tahay.