Wasiirka Ugu Da’da Yar Dunida Oo Afur Ku Qaybinaysa Shaaracyada Magaalada Dubai

0
680

1Dubai (Geeska)- Wasiiru-dawlaha dhalinyarada ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa tan iyo bilowgii bishan Barakaysan ee Ramadaan shaaracyada ku qaybinaysay afur ay siinayso dadka sooman, arrintaas oo ay dad badan oo reer Imaaraat ahi ku ammaaneen una arkeen is dhexgal fiican oo madaxda iyo dadkooda dhex maraya.

War uu Geeska Afrika turjumay ayaa warbaahinta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay ku faafiyeen sawirrada wasiiradda oo gaadiidleyda shaaracyada maraya u qaybinaysa afur. Shamaa’ Bint Suhayl Bin Faaris oo xilkan wasiiru-dawlaha loo magacaabay bishii labaad ee sannadkan 2016ka ayaa loo aqoonsaday in ay tahay wasiirka ugu da’da yar ee dunida maanta. Tallaabadeedanina waxa ay dhiirrigelisay dhalinyaro badan oo u dhashay dalkaas oo iyaguna iskood inta ay isu abaabuleen bilaabay in ay shaaracyada waaweyn la istaagaan afur ay siiyaan ruux kasta oo waqtiga Eedaanku u dhaco isaga oo aan gaadhin halkii uu ka afurayey, iyo sidoo kale dadka socotada ah ee aan meel gaar ah afur ugu qornayn iyo dadka masaakiinta ah.

Wasiir Shamaa’ oo 22 sano jir ah ayaa qaybinaysa Timir, cunto, iyo cabbitaanno ay gacanteeda ugu dhiibayso ruuxa la siinayo, waxa aanay arrintani bilow u noqotay mashruuc ballaadhan oo ujeedadiisu tahay in dhalinyarada lagu dhiirrigeliyo in ay bulshada dhex galaan oo ay ol’olayaa arrimaha bulshada wax ka caawinaya sameeyaan.

Wasiirka da’da yar ayaa lagu ammaanaa heerka sare ee ay aqoonta ka gaadhay iyada oo weli da’ yar, waxa ay ka baxday kuliyadda siyaasadda guud, ee jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska iyada oo shahaadada ku qaadatay darajo aad u sarraysa, waxa ay sidoo kale sidataa shahaado Diblooma ah oo ay ku diyaarisay dhaqaalaha iyo shirkadaha waaweyn, waxa aanay ka qaaadatay jaamacadda New York ee dalka Maraykanka.