Wasiirka Tamarta Oo Ka Hadlay Shirkado Laydh Oo Ku Eedeeyay Kootayn Koronto

0
504

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa hortagay Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada oo wax ka waydiiyay eedaymo ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah shirkada laydhka ee dalka.

Gudidan ayaa wasiirka wax ka waydiiyay eedaymo la xidhiidha inuu suuqa korantada ee dalka uu ku taageerayo shirkad gaar ah halka uu shirkadaha kalena suuqa ka saarayo, shirkaas oo albaabadu ay u xidhnaayeen kadib, waxa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay xildhibaan Cali Bare oo ka mid ah Guddida Dhaqaalaha iyo Wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, waxaana ugu horayntii xidhibaan Cali Bare oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi "Wasiirka anaga ayaa u yeedhnay haddii aanu nahay gudida dhaqaalaha, waxa aanu ugu yeedhnayna waa shirkado cabatin nooga soo gudbiyay, markaanu iyagii dhagaysanayna inaan wasaaradana dhagaysano, bal waxa ay ka qabto waxii naloo sheegay iyo wixii ay hayaan ayaanu wasaaraddana ugu yeedhanay, iyagana hadaanu waraysanay, haddii aanu  cid kale u baahanana waraysiga waanu waydiinaynaa oo hawshu ay nala gasho, ilaa hada hawshu waxay maraysaa war kala qaadashadaas, wax go'aan ah oo soo baxayna ma jiro, marka waraysigu noo dhamaado oo dhinac walba aanu hubino ee qoraalada iyo maslaxada umada aanu eegno ayaanu ka soo saaraynaa ka gole ahaan go'aan."

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa dhankiisa sharaxaad ka bixiyay eedaymaha loo soo jeediyay iyo wareegto uu soo saaray waxaanu yidhi “Iyaga oo shaqdoodii dastuuriga ahayd gudanaaya Xildhibaanadu waa ay ii yeedheen, waxa u soo gudbay cabatinka dhawr shirkadood oo magaalada iyo meelo kaleba laydh ka daara, cabashadaasuna runtii laba ayuun bay qaabilsanayd, mid weeyaane in Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu ay mid ka mid ah Shirkadaha ay kooto ugu xidhay ganacsiga korontada oo dadka kale meelo looga xidho, loona siidaayo inay samayso wixii fidin ah iyada oo aan waxba la'la eegin, in sharaa'igii kale oo kuwan cabanayaa ay ka mid yihiin laga xakameeyay laydh fidintii, taas waanu uga waranay xildhibaanada cadayaha in ay ahayd wareegto aanu shirkadaha oo dhan u dirnay oo aanu kula talinaynay inta sharci soo baxaayo aynu nidaamino aaga korontada oo aynu ku soo dabaalno hagayaal caalami ah oo aynu isla qaadano nidaam lagu shaqeeyo, shirkadaha oo dhan ayaa ku qancay oo aqbalay waana hagayaal aanu doonayno in lagu meelgaadho, inta aynu sharci samaysanayno, alle mahadiina wasaarada sharcigii way curisay oo waa uu naga cudbay, golaha wasiiradana waa uu ka soo gudbay oo hada waxa uu la yaalaa xeerdajinta iyaguna sida ugu dhakhsaha badan way gudo galayaan, sharcigaas ayaana nidaam uu dalku yeesho ku hagaaya korontada, inta ka horaysa iyada oo ay ashkatooyin badan noo yimaadeen iyo is qabsabsi, mar marka qaarna ay gaadho faro ka hadal dadkan korantada ka ganacsada."

Wasirika oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Masuuliyad ayaa naga saaran dalka maadaama oo aanu wasaaradii arintan qaabilsanayd nahay, markaas inaan samayno kala xadayn kumeelgaadh, kala xadayntaasina cidna garabka saarimayso cidna kama soo horjeedo ee waxaanu waxyaabaha soconaaya ku hagaynaa nidaamkii ay aduunyadu ugu shaqaysan jirtay korontada ee maaha shirkad ayaa wax loo xidhayaa, shidkadaha kalena waa la dabrayaa, waxa ay wasaaraddu digreetada ku soo saartay maaha laydh guri la galinaayo oo cusub ama maaha laydh guri lagu xoojinaayo, waxa laga hadlayaa waa mashruuc cusub oo ay shirkaduhu doonayaan inay soo jeediyaan ama koronto aad u xoogbadan ay magaalada soo galinayaan, in la daraaseeyo oo la yidhaahdo badqabka maxay saamayn ku yeelanaysaa, macaamiisha maxay saamayn ku yeelonaysaa, shirkadaha aaga yaalay ee hore uga ganacsanaayay waayiradooduna ay yaaleen maxay saamayn isku yeelanayaan, sida ay wax u wadaan ma qaabilsanyihiin hagayaasha laydhka, markaas niman khubaro ah oo wasaarada jooga ayaanu doonaynaa inay daraaseeyaan oo ka shaqeeyaan, markaas hadii mashruucii cusbaa uu dadkii anfacaayo inaga ayaa u baahan, anagu cidna saami kuma lihin ee sadex arimood ayaa meesha  noo yaala, in umadda Somaliland ay laydh jaban oo badqaba oo aan guriguna ku guban iyagana dilin ay helaan, waxaynu ognahay bil kasta intaas oo guri ayaa gubta oo intaas oo dad ah ay ku dhintaan oo ku dhaawacmaan nidaamkii laydhka oo aad iyo aad inooga khariban awgeed, ka ganacsiga korantadu maaha bandaad la iibinaayo, laydhka nidaam bad qab ah ayaa lagu ilaaliyaa dawlad ayaa hagta oo waa la dabogalaa, aad iyo aad ayaa loo maareeyaa oo dawladu ay u duljoogtaa waayo waa wax saamayn weyn ku leh nolashii aadamaha oo sidaas aynu biyaha ugu baahanahay ayaynu laydhkana ugu baahanahay, markaas jaantaa rogan iyo biyobatalaqsi kuma galo laydhku, caasimad dhisan oo aduunyada xadhkaha laydhka ee waraabiyaa ay sidaas yihiin ma jirto, hadii aynu sidaas rabno waa jaantaa rogane heesta inoo wada, hadiise la qabo in xeer iyo nidaam lagu soo dabaalo ayaan la  diidin marka lays yidhaahdo nidaam dajiya,  oo laga ashkatoon, macnaheeduna maaha in shirkad gaar ah loo jeedo ee aaga korontada in la nidaamiyo ayuunbaa looga jeedaa, cadaalad iyo sinaan ayaanu ku wadnaa shaqada, cid aanu u eexanaynaana ma jirto, Xildhibaanaduna way eegeen ashkatada wixii aanu ka nidhi, waxa kale oo uu Madaxweynuhu u saaray gudi Wasiiro ah oo arintaas baadhitaankeeda ku jirta, dad baan ayaa arinta ku jira wixii fikir ah ee ay ka odhanayaana waa uu u hadhsanyahay, anaga mawqifkayagu waxa weeye suuqaas xorta ah ee la yidhi way ka soo horjeedaan Guddidan dhaqaalah ayaanu cadaymihii u gudbinay iyaga ayayna u taalaa inay ka garnaqaan."