“Wasiirka Macdantu Daraaf Buu Na Hor Keenay, Ee Wali Xeerar Maaha”Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale

0
605

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa ka hadlay warbixintii  uu Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Golaha Wakiilada ka siiyey Shirkadaha baadhaya Shidaalka, waxaanu sheegay in aanu Wasiirku Golaha keenin xeer ee uu keenay daraaf [draft], waxaanu ku taliyey in la hor keeno heshiiska Shirkadaha lala galay si loo ogaado xuquuqaha la kala leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida joogta ah ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xisbiyada ugu baaqay inay joojiyaan Xafladaha, oo kharashka ay ku qabsanayaan Xafladaha ay kaga qayb qaatan gurmadka abaaraha, waxa kale oo uu ka hadlay Sicir bararka taagan, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay warbixintii Wasiirka Macdanta ee ku saabsanayd Shidaalka baadhista “Wasiirka Macdantu waa kii dhawaan na hor yimid xeerar buu keenay, xeerarkuna waxa weeye xeerka Shidaalka iyo Xeerka Macdanta, wali xeer maaha ee waa daraaf, sida la og yahayna xeerka daraafku saddex siyaabood buu ku yimaada, inta badan Xukuumadda ayuu ka yimaada, oo soo daraf garaysa, waayo iyadaa wixii hadhaw fulinaysa, Barlamaankuna wuu hal abuuri kara, Dadweynuhuna lambar uu Dastuurku cayimay wey soo hal abuuri karaan, laakiin ansax wuxuu noqonayaa marka uu Barlamaanku ansixiyo, ayuu xeer noqda oo dabadeedna Madaxweynuhu Digreeto ku soo saaro, markaas Wasiirka Macdantu daraaf buu na hor keenay, oo na hor yaala, wali xeerar maaha, sida aanu filaynayna xeerka shidaalka baanu horeeysiin doonaa, oo Golahu ka doodi doonaa oo la sii dayn doonaa laakiin heshiis wali Golaha la hor keenay ma jiro, waxa muhiim ah in heshiiska lala galayo Shirkadaha baadhaya Shidaalka, in la sharciyeeyo oo ay Barlamaanka maraan, si  la ogaado xuquuqaha la kala leeyahay, haddii ay tahay Shirkadaha qandaraaska la siiyey, haddii ay tahay Dawladda Somaliland, haddii ay tahay Qaran weynaha, haddii ay tahay Deegaamada lagu talo jiro in la baadho ama wax laga soo saaro, waxaana anigu aaminsan nahay inay muhiim tahay in heshiisla la hor keeno Barlamaanka, Dastuurka ayaana sheegaya, bilaashna wax loo soo saari maayo, kharash baa galaya, xeerkan daraafka ah ee Shidaalkuna wuxuu sheegayaa in heshiisyo la galayo, marka wax la fulinayo iyo marka  heshiis la soo diyaarinayo, Wasaaradda Tamartu iyadaa Madaxweynuhu wakiilanayaa, oo Qaranka ka wakiil ah, marka la soo diyaariyo heshiiskana kolay Wasaaradda ayuu dib ugu noqonayaa ee heshiiska ha la hor keeno Wakiilada”.  

Xildhibaan Axmed Ducaale mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi  “Go’aamadii soo baxay dhiig joojin ayuun bay yara noqdeen, laakiin waxaan is leeyahay may sii shaqayn, sicir bararkii halkii buu wali taagan yahay, kolay sida wax looga qabanayo kor u kaca sicir bararka oo ku xidhan lacagtan doolarka ah, ee qaaliyoowday iyo lacagtan Somaliland ee qiimo dhacday, arin weyn oo cilmiya ayey u baahan tahay, oo yoolka ugu weyn ee ay Dawladdu kula dagaalanto sicir bararka noqdaa Baanka, oo la xoojiyo Baanka, maxa yeelay Baan kasta oo Dunida ku yaala oo ay Dawladdu leedahay isagaa ayaa la dagalaama daalaca dhaca iyo sare u kaca lacagta, markaas anigu waxaan leeyahay madfaca la garaacayo ee lagu garaacayo sicir bararka ha noqdo Baanka Dhexe, oo ah Baanka Wadanku leeyahay, waxaana anigu aamisanahay in itaalkii uu Baanku wax iskaga celin lahaa aanu lahayn, markaas waa inay Dawladdu xoojisa Baanka, dadkuna waa inay xoojiyaan Baanka”.

Mar aanu wax ka weydiinay sicir bararka taagan iyo doorka Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Horta anagu Hay’ad maamul ma nihin, oo maamul gacanta kuma hayno, Hay’ad sharci dejin baanu nahay,oo haddii shuruuc loo baahna wuu naga baxay, oo shuruucdu ku shaqaynayey Baanku waa la hayaa, warbixintii aan Golaha siiyeyna waan ku soo qaaday, Golahuna in Baanka la xoojiyo aad buu u taageeray, in aanu anagu wax u sheegno mooye Hay’ad maamul ma nihin”

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira, waxaanu ku baaqay in dadka dhibaataysan loo gurmado, oo wax la taro, waxaanu Xisbiyada Qaranka ugu baaqayinay joojiyaan Xafladaha, inta ay jirto abaartu, oo kharashaadka ay ku bixinayaan xafladaha ay kaga qayb qaatan gurmadka abaaraha, waxa kale oo uu baaq u soo jeediyey Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee inta badan aan ka soo xaadirin Kal-fadhiyada, gaar ahaan Xildhibaanada aan haysan cudur daar la’aan, waxaanu kula taliyey inay xilka iyo waajibka loo igmaday ee ay Qaranka u hayaan inay daacad ka noqdaan, oo bilaa cudur daar la’aan aanay ka maqnaan.