Wasiirka Macdanta Oo Sheegay In La Bilaabayo Wejiga Hore Ee Sahaminta Dhuxul Dhagaxda

0
566

Picture6Hargeysa(geeska)-Wasaaradda macdanta iyo tamarta iyo shirkada Dong Song oo ka socota dalka shiinaha ayaa wada jir u shaaciyay in maalmaha soo socda ay shirkadaasi bilaabi doonto sahaminta dhuxul dhagaxda.

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo ka hadlay kulan ay yeesheen masuuliyiinta shirkadaasi ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay sidii dhuxul dhagaxda looga soo saari lahaa dalka, waxa uu ugu baaqay guud ahaanba dadka reer Somaliland in ay soo dhaweeyaan shirkada sahaminta dhuxul dhagaxda dalka ka Samaynaysa.

Waxaana wasiirka oo arintaas ka hadlaayay uu yidhi “Maalmaha soo socda ayay shirkadan dalka meelaha ay sahamiyeen ka baadhi doonan dhuxul dhagax,waxaanay noqon doonaa saddex kooxood, waxaana koox waliba ay tagi doontaa dalka meelaha ay sahanka ka qaadeen, halkaas oo ay ka qaadi doonaan sahanka cusub, iyada oo uu iman doono baadhitaanka qotoda dheer lihi, laakiin imika meelaha ay wax ka eegi karaan ayay tagayaan.Shariikadani waa mid muhiim ah, hawsha ay dalka u haysaana waa mid baahi wayn loo qabay, kalsooni weyn ayaanay ku qabaan in ay dalka ka qabtaan macdan baadhista”

Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu ugu danbayntii u soo jeediyay shacbiga in waji fiican la tuso shirkadaas sahaminta wada“Waxa aan doonayaa in aan halka ugaga baaqo dhamaanba dadka ay deegaamadooda mari doonaan in ay si fiican u soo dhaweeyaan oo ay waji qurux badan tusaan, waxba yaan la xagxagan, si aanay waji kale inooga yeelan.dhuxusha waxa aanu tuhusanahay in ay dalkeena meelo badan tuulan tahay, faa’iido badan ayay inoo leedahay, tusaale hadii aynu soo qaadano maanta magaalada Hargeysa qaybo ka mid ah ayaa bakhtiisan, hadii aynu la soo baxno waxa aynu awoodnaa in aynu shidano dhuxul dhagaxdaas.”