Wasiirka Macdanta Oo Shalay Ka Xog-waramay Safar Uu Ku Tagay Wadanka China

0
492

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo ka soo laabtay safar dalka China uu ugu maqnaa, ayaa ka xog waramay kulano badan oo ay u diyaarisay shirkada Guangzhou Dongsong Energy Group.

Waxa uu wasiirku sheegay in 28 bishan aynu ku jirno ay dalka iman doonaan koox ka socota shirkadaas oo sahamin dhanka macaadiinta ah ka bilaabi doonta dalka, kaas oo qaadan doona sadex waji oo ay ugu horayso sawir guud oo dhanka macaadinta ah oo dalka laga qaado.

Waxa uu wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu sidan ku sheegay mar uu ugu waramaayay warbaahinta madaarka Hargeysa, isaga oo ugu danbayntiina xusay in shirkadan ay dalka u furi doonto albaabka wax wada qabsi ee dhanka China. Waxaanu wasiirku hadaladiisa ku bilaabay sidan“Shirkadii halkan inuugu timi dhawaan waxay noo xaqiijisay inay oofinayso balan qaadkii ahaa inay baadhitaan ku samaynayso macdanta Somaliland, macdan baadhistaas oo dhawr waji yeelanaysa oo wajiga ugu horeeya  oo noqonaaya macdanta oo lagu baadhayo qamarsanaaciga, si aynu u fahano macaadiinta ku jirta dalkeena waxay kala yihiin iyo meelaha ay ku kala jiraan, taasi markay dhamaatana waxa macluumaadkaas laga sii dabogalayaa in ay keenaan injineero macaadiinta ah oo dhulka soo daga oo baadhitaanka sii wada, taas oo ah baadhitaan rasmi ah oo xiganaaya qamarsanaacigii sameeya, oo aynu dalkeenan mar kaliyaata macluumaad ka heli karno waxii macaadiin ku jira.Waxa la kaashanaysaa baataankaas shirkadu China RS, kuwaas oo ah nimanka qamarsanaaciga masuulka uga ah China, waxay kale oo adeegsanayaan Yonnan Geological Boreal, gobalka caanka ku ah dhagaxaanta ee China oo dhan caan ka ah, marka labadaasi ay is kaashadaan waxaynu markii ugu horaysay aanu filaynaa in aynu gacanta ku dhigi karno macluumaad taam ah oo aynu odhan karno dalkeena waxaas iyo waxaas ayaa ku jira, halkaas iyo halkaas ayay ku jiraan, waxaana laga helayaa macaadiin xadigaas leeg.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu muhiimada u saarnay shirkadan inay nagala shaqayso sidii dalkeena dhuxul dhagaxda  aynu filayno inay ku jirto oo mudo dheer wasaaradu ku hawlanayd sidii aynu macaadiintaas dhuxul dhagaxda ah ula soo bixi lahayn, waa shirkad takhasuskeedu yahay soo saaritaanka dhuxul dhagaxda iyo ka dhalinta korantada waxaanay shirkadu fursad noo siisay inay na gayso gobalka Yinchuan, waxaan filaynaa markay dhuxushaasi soo baxdo in ay shirkadaasu Somaliland la gali doonto heshiis sidii aynu koronto uga dhalin lahayn dhuxulgaxdaas iyo in ay safayso  si wax loogu karsan karo taas oo dhirteena inoo badbaadin karta iyo in aynu dibadaha u dhoofin karno si aynu lacag adag uga helno, hadii macaadiin laga faa’idaysan karo ay ku jiraan dalkeena shirkadani waxay diyaar u tahay inay dawlada heshiis la gasho si daynu macaadiintaas ula soo bixi lahayn.”

Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale  ugu danayntii waxa uu hadalkiisan ku soo gunaaday sidan“Waxay shirkadani fursad noo siisay inaanu la soo kulano shirkado batrool oo dhanka China ah oo aan dalkeena war  u ahayn, taasna waxa nooga iftiimay in shirkadahaasi ay danayan karaan dalkeena hadii ay fursad ka helaan. Waxay shirkadani noo balan qaaday in ay isku xidhka Somaliland iyo China ay ka shaqayn doonto wakhtigan laga bilaabo, taas oo ay ka bilaabi doonto inay xafiis ganacsi ka furto magaaladda Guangzhou, oo xataa saldhig inoo noqon karta kaas oo aakhirkana fiisayaal bixin  kara, wasiirka arimaha dibadana waan uga warani doonaa. Waxay shirkadu noogu balan qaaday oo kale inay shabakad wararka ah ay samayn doonto oo afkooda ku hadla si shirkadaha China ay macluumaad uga heli karaan Somaliland.Waxay diyaar u yihiin musaqabalka in booqasho rasmi ah uu madaxweynuu markii ugu horaysay ku tago dalka China intii Jamhuuriyada Somaliland ay jirtay, oo ay ku balan qaadeen inuu martiqaadkaasi uu suurto gal noqonaayo ay ka shaqaynayaan, marka ay arintaasi diyaar noqotana uu madaxweynuu booqan doono China. Albaabo badan ayay shiradan nooga furtay China anagoo rajaynayna inaan uga faa’idayno dalka anaga oo adeegsanayna hawaha wasaarada u khaaska ah oo fure u noqon kara in albaabkii weynaa ee  China ee  inaga xidhnaa uu inoo furomo. Waa shirkad ay dhab ka tahay in ay hawshan qabto kooxdii ugu  horaysayna waxay dalka imanayaan bishan aynu ku jirno 28-keeda  oo ay dalka soo dagayaan si ay shaqada uga bilaabaan.”