Wasiirka Maaliyadda Oo Magacaabay Shan La Taliye Oo Ay Siyaasiyiin Ku Jiraan

97
15095

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa magacaabay shan la taliye oo dhammaantood la taliyayaal ka noqon doona wasaaradda maaliyadda.

Ma jiro war rasmi ah oo uu Wasiir Yuusuf ku baahiyay magacaabista la taliyayaashan oo uu ka dhex muuqdo guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel).

Shanta la taliye ee uu Wasiirku Magacaabay ayaa kala ah

  1. Prof. Maxamed Yuusuf Iqra, la taliyaha Istaraatajiyada
  2. Maxamed Xaaji, kaaliyaha Prof Iqra ee la taliyaha Istaraatajiyada
  3. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), la taliyaha sharciga
  4. Liibaan Maxamed Yuusuf, la taliyaha human resource
  5. Maxamed Yuusuf Xaaji Cabdi la taliyaha arrimaha miisaaniyadda
  6. Ismaaciil Lug-weyne, la taliyaha arrimaha wacyigelinta

Lama garanayo waxyaabaha uu Wasiirka maaliyaddu ku xushay la taliyayaashan, laakiin waxay noqonayaan la taliyayaashii u horeeyay ee tiradan leeg ee lagu dhex arko guud ahaan xukuumadda Somaliland ee aan weli sannadka jirin.

Madaxweyne Biixi, ayaan weli si rasmi ah u magacaabin la taliyayaal, waxaana la sheegaa inuu meesha ka saaray inta badan la taliyayaashii Madaxweynihii hore oo lagu dhaliilo jiray tiro badnaan iyo tayo la’aan,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here