Wasiirka Khaarajiga Oo Geeska Afrika Uga Waramay Halka Uu Marayo Heshiiskii Dekedda Berbera

0
730

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay safar ay isaga iyo wasiiro kale maanta ku tagayaan dalka Imaaraadka Carabta oo ujeediisu tahay  tagaayo Imaraadka oo ujeedadiisu tahay heshiiska Dekadda.

1

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Sacad Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay faragelinta Somaliya ee dhinaca Madax-dhaqameedka Somaliland, arintii saami qaybsiga ee Madaxweynuhu dib ugu  soo celiyey Golaha Wakiilada iyo safar uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya, waxaanu ugu horeyn yidhi“Bari (Maanta), haddii ALLE idmo ayaanu dalka ka dhoofi doonaa, waxaanan tagi doonaa dalka Imaraadka,wali wada hadalkii arinta Dekadda ayaa socdo oo muddo ayuu qaadanayaa, waana wax laga gorgortamaayo, socodaalkana waxa uu ka mid yahay socdaaladii aanu hore ugu tagnay, waxaana ilaa hadda socda wada hadalkii iyo wada xaajoodkii, waxa markii ugu horeeysay la saxeexay is afgarad guud, dabadeedna waa anagii maalin kale ku noqonay, imikana waanu noqonaynaa mar labaad, wali hawshii baa halkii ka sii soconaysa oo aanu ka wadnaa”.

Wasiirka Arrimaha Dibadu mar uu ka hadlaayey faragelinta Dawladda Somaliya ee Madaxdhaqameedka Somaliland ayaa yidhi “Waxaan Maamulka Somaliya ugu baaqayaa oo aan u sheegaya oo aan xasuusinayaa in aanay Somaliland ka mid ahayn  Somaliya ka mid ahayn, Somaliland-na waa Wadan xor ah oo waxa matala Barlamaankeeda iyo Dawladdeeda, cid kasta oo aanay u igman Barlamaankeeda iyo Dawladdeeduna ma mataalan, qofkii ku dooda intaas ahayn oo ku dhaqaaqa talaabo qaranka wax yeelanayana waa qof dambi ka galay qaranka iyo umadda, sidaas ayaana loola xisaabtamayaa”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko go’aan qaadashada arinta saami qaybsiga ee uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Aad iyo aad ayey muhiim u tahay in la dhameeyo, oo laga wada tashado arinta saami qaybsiga dabcan Madaxweynuhuna waxa uu ku soo celiyey Barlamaanka, waxaan filaya in arintan go’aankeedu uu Barlamaanku iska leeyahay, waxaana filayaa in awalba sidii cadaada inoo ahayd mar arin noocaas ahi inoo yimaado in laga wada tashado, sida ugu dhakhsaha badana loo dhameeyo”.

Wasiirku mar uu ka hadlaayey safar uu dhawaan ku tagay dalka Itoobiya  ayaa yidhi “Safarkaas waxaan la kulmay Wasiirul dawlaha  arimaha dibadda Itoobiya, waxaana ka wada hadalnay danaha badan ee labada dal iyo qadiyadeena dhinaca siyaasada, markaas si fiican baanu isula garanay ahmiyada iyo xidhiidhka iyo sii xoojinta  cilaaqaadka labada dal, dhibaatadii Gaashamo ka dhacdayna waanu kala hadalnay, jawaabtooduna waxay ahayd waanu baadhaynaa falkii halkaas ka dhacay, cidii dambi ku yeelatana waxa la hor gaynayaa Maxkamadda Sharciga”.