Wasiirka Khaarajiga Denmark Oo Ka Hadashay Xidhiidhka Dalkeeda Iyo Somalilnad

0
624

 

GABADHHargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Denmark Lene Espersen ayaa sheegtay in dalkeeda iyo Somaliland ay door hoggaamineed ka ciyaarayaan la dagaalanka budhcad badeeda Somaliya ee saamaynta xun ku yeelatay isu socodkii baddaha ee dunida.

Wasiir Lene, ayaa qormo dheer oo ay toddobaadkan ku qortay wargeysyo caalami ah qormo dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Waa inaynu wada jir ula dagaalanaa budhcad badeeda.”, ayaa waxay aad ugu dheeraatay Somaliland iyo xidhiidhka ka dhexeeya dalkeeda,  “2007 ilaa 2010 tirada weeraro iyo afduubka ee ay  budhcad badeedu ka  samaynayaan baddu afar laab in ka badan ayuu kordhay.” Ayay ku tidhi wasiiradu, waxaanay iyadoo Somaliland ka hadlaysa intaas raacisay, “Maamulka Somaliland wuxuu qiray in budhcad badeedu ay sidoo kale korayso oo ay caqabad khatarana ku tahay  ammaanka iyo dhaqaalaha Somaliland iyo weliba guud ahaan gobalka. Budhcad badeedu waxa kale oo ay cawaaqib xun ku yeelatay  qiimaha cuntada maadaama oo jidkii uu ganacsigu soo marayay la bedelay, caymiska  kordhay iyo kharashaadka  ammaanka iyo weliba dekedo kale oo loo guuray ayaa loo isticmaalaa keenista cuntada . Budhcad badeedu waxa kale oo ay saamayn ku yeelatay dhoofka  Somaliland dibadda gayso  oo ku tiirsan rarka  geela, lo’da, adhiga iyo riyaha.”

Wasiiradu, waxay taageertay hadal uu dhawaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay budhcad badeeda, waxaanay tidhi,  “Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu si dareen leh u yidhi, “Budhcad badeedu maaha cudur ka dhashay biyaha. Waa  xaaladda ka timid dhulka.” Waxaan ku raacsanahay xal mustaqbal fog leh in  loo helo  gobalka ku jira xaalad colaadeed labaatan sannadood. Denmark waxay taageere muddo dheer ah u ahayd xalinta maxaliga ah ee xaaladaha Somaliland.”

Waxay intaas raacisay inay dawladda Denmark horaantii sannadkan soo bandhigay aragti fog oo xal lagaga gaadhi karo budhcad badeeda iyo dabar goynteeda, talooyinkaas oo isugu jira kuwo diblomaasiyadeed, milatari, ammaan, shaqaalaysiinta iyo weliba wax ka qabashada xaaladaha dadka xoolo dhaqatada ah.

Wasiirka Arrimaah dibadda Denmark, iyadoo ka hadlaysa Somaliland, waxay mar kale tidhi, “Iskaashiga maamulka Somaliland iyo Denmark waxay door hoggaamineed ka ciyaarayaan hawsha caalamiga ah ee la dagaalanka budhcad badeeda.”

Wasiirku, wuxuu soo hadal qaaday shir dhawaan ka dhacay dalka Denmark oo ku saabsanaa arrimaha budhcad badeeda oo ay Somaliland ka qaybg ashay. Wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Denmark ayay wasiiradu ku tilmaantay mid midho dhal ah, “Wada shaqaynta dhinaca sharciga ee kooxda Somaliand iyo Denmark waxay keentay iskaashi midho dhal ah. Waxaanan rajaynayaa in la sii waddo wada halada u dhexeeya labadayada dal.” Ayay tidhi Wasiir Lene Espersen.

Ugu dambayn wasiiradu waxay sheegtay inaanay fududayn baaxadda hawsha la dagaalanka budhcad badeedu, waxaanay sheegtay inay rajaynayso in la sii waddo wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo dalkeeda,  “Waxaan rajaynayaa in la sii waddo iskaashiga dagaalka ku waajahan budhcad badeeda ee maamulka Somaliland iyo dalkayga.” Ayay ku soo oodday wasiiradu.