Wasiirka Kaluumaysiga Oo Ka Hadlay Doon Berbera Ka Baxday Oo Qarqoontay

0
513

Hargyesa(Geeska)-Wasiirka kaluumaysiga Somaliland Cali jaamac Faarax Buureed  ayaa sheegay doon kaluumaysi oo laga leeyahay Somaliland inay ku degtay meel u dhaxaysa Ceeldaraad iyo Berbera kadib markii ay dabaylo xoogani ku haleeleen bada dhexdeeda.

Doontan ayaa lagu soo waramayaa inay saarnaayeen lix ruux oo kaluumaysato ah waxaana haatan gacanta lagu dhigay laba ka mid ah halka baadidoonkoodiina lagu jiro afartii ruux ee kale, waxa uu wasiirku kaluumaysatada dalka ugu baaqay inay bada ka joogaan wakhtiga ay dabayluhu ay jiraan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay "Waxa naloo soo sheegay doon ay lahaayeen kaluumaysato ka baxday magalada Berbera ay ku qaraqantahay deegaanka ceeldaraad iyo Berbera u dhaxeeya, lix ruux ayaa watay oo laba ka mid ah la helay, afar iyo doontiina wali waa la la'yahay, dabaylo shalay dhacay ayaa loo malaynayaa inay qaraqeen, halkaas oo aan isgaadhsiin lahayn. badhasaabka iyo isku duwahii gobalka waan la hadalnay bal in meeshaas loo gurmado oo shaqo laga soo qabto oo dadkii haday dhinteen maydkoodii iyo nolol waxii lagu helaba la raadiyo, hawshaas ayaa soo korodhay aad ayaanuna uga niyad xunahay cidii war ka heshaa inay nala soo socodsiiso ayaanu ka rabnaa, ciidanka bada iyo gurmadkuba waa ay tagidoonaan meesha inkasta oo ay meel aad u dhibbadan tahay."

wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"waxaanu ka codsanaynaa oo ku dhiirigalinaynaa in aanay xiliyada khatarta ah  aanay socon oo ay iska ilaaliyaan inay badagalaan."