Wasiirka Hindiya Oo Sheegay In Dagaal Toos Ah Lagaga Guulaysan Karo Budhcadbadeeda

0
759

India (Geeska) Wasiirka gaashan-dhiga dalka Hindiya Antony ayaa sheegay in budhcad badeeda Somalida lagaga guulaysan karo marka si toosa loola galo dagaal caalamiya oo laga midaysanayahay.

Wiirka oo warbaahinta kula hadlay magaalad Delhi ayaa sheegay in xilligaan hawlgalada ka dhanka budhcad badeeda Somalida inay u muuqan kuwo aanay wax natiijo ah ka soo baxaynin, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in si wada jir ah loo xoojiyo hawlgalada budhcad badeeda lagula dagaalamayo.  

wasiirka gaashaandhiga Hindiya waxaa uu tilmaamay in xukuumadiisa ay ka go’antahay inay si toos ah  ula dagaalamaan kooxaha budhcad badeeda Somalida ee ku xoogan biyaha Somaliya, oo ay diyariyeen ciidamo badeed hawlgalkaasi ka qeyb qaata sida uu sheegay, waxaana uu intaa ku daray inay dhawr jeer fuliyeen ciidamadoodu hawl galo budhcad badeeda ka dhan ah.   

Wasiirka gaashaandhiga Hindiya waxaa uu xusay inaan burcad badeeda lagaga adkaan Karin sida uu hadda hawl galku u socdo waxa uuse tilmaamay in loo baahanyahay in la mideeyo hawlgalka budhcad badeeda lagula jiro.

Hadalkan wasiirka gaashan dhiga ee dalka hindiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo wadankaas lagu qabtay ku dhawaad labaataneeyo buldhcad badeed Somali ah oo dul heehaabayay biyaha xeebaha dalka hindiya.