Wasiirka Hawlaha Guud Oo Dawladaha Hoose Ka Xayiray Bixinta Danta Guud Iyo Su’aalaha Bulshadu Iska Weydiisay

0
608

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka hawlaha guud Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa shalay soo saaray amar uu dawladaha hoose ee dalka ku amrayo inaanay bixin karin dhulka danta guud, waxaanu dawladaha hoose ee wadanka faray in shalay laga bilaabo aanay bixin karin wax dhul dan guud ah. Maayarada dalka iyo dawladaha hoose ayaa la filayaa inay ka jawaabaan xayiraadda wasiirku dul dhigay.

Qoraalka wasiirka, ayaa wuxuu cuskanayaa xeerka dhulka, oo uu sida muuqata ka soo qaatay qodobo gaar ah, Qodobada aanu wasiirku xusin ee xeerkaas dhulka ku jira ayaa waxay awood u siinayaan dawladaha hoose ee wadanka inay bixin karaan dhulka, ka dib marka ay bixintaas waafajiyaan naqshada qaranka, maadaama oo ay dawladaha hoose yihiin nidaam ku yimid doorasho deegaan oo xor iyo xalaal ah. Qoraalka wasiirka ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka ahna guddoomiyaha guddida qaranka Naqshadaha guud iyo guddoomiyaha guddida dib usoo celinta gacan ku haynta iyo ku tasarufka dhulka iyo Guryaha Dawladda.

Markuu Arkay: qoddobka Sadexaad, afraad iyo shanaad ee Xeerka Dhulka Xeer  No: 17/2001

Markuu arkay: Qoddobka 8aad ee isla Xeerka Dhulka oo qoraya jago bixinta ka reebanm dawladaha hoose faqradiisa 1aad oo u dhigan sidatan(maamulkaDawladaha hoose wax aka reeban in ay bixiso dhul ku yaala meelaha Macdanta, Dhul beereedka, xeebaha iyo meelaha Danta Guud loo qorsheeyey) iyo faqradiisa labaad.

Markuu arkay: qoddobka 43aad ee Xeerka ismaamulka Goboladda iyo Degmooyinka dalka jsl faqradiisa ee qeexaya wax aka reeban inay saxeexaan documnty la xidhiidha

Bixin dhul

Waxa ka reeban Dawladaha hoose ee dalka inay bixiyaan, sharciyeeyaan dhulka hore loogu aqoonsaday Danta guud ee laga jaray beeraha Dadweynaha

In aan la iibin Karin, la hibayn Karin, la isku wareejin Karin, lana dhalan rogi Karin dhismayaasha Dawladda sida ku cad wareegya madaxweynaha jsl ee dibu sioo celinta iyo gacan ku haynta iyo tasarufka dhulka iyo guryaha dawladda cidii ku cada arrimaha qoddobkan ku qoran kuma yeelan doonto xukuumadda Mag-dhaw

Qoraalkan oo dhaqan galaya manta oo uu saxeexay wasiirka WWH/G/ G waxa lagu wargelinayaa hay’addaha dawlada ee ay khusayso iyo mulkiilayaasha beeraha in ay dhawraan isla markaana sharciga iyo xeerarka dalka u yaala.”

Geesta kale, inkastoo uu wasiirku u muuqdo inuu dhaqan gelinayo guddiga naqshada guud, haddana waxa la wada ogyahay inaanay jirinba guddiga qaran ee naqashadda guud ee magaalooyinka oo sida magacooda ka muuqata ay awoodoodu tahay inay dejiyaan naqshadda magaalooyinka oo keliya balse aanay dawladaha hoose ee ay dadku doorteen maamuli karin. Mar haddii aanay guddigaasi jirina, waa arrin adag in la sheegi karo dhulalka dawladaha hoose ka reeban iyo kuwa ay fasaxa u haystaan.

Sidoo kale waxa su’aal la iska weydiin karaa sababta wasiirka waktigan ku keliftay inuu qoraalkan soo saaro, maadaama oo ay jiraan dhulal muhiim ah oo aan ka fogayn wasaaradiisa iyo madaxtooyadaba oo laga iibiyo dad ganacsato ah. Waxaanay dadka qaarkii aaminsanyihiin inuu jiro qorshe qarsoon oo aan weli banaanka u soo bixin oo soo dedejiyay amarka uu wasiirku dul dhigay dawladaha hoose ee wadanka.