Wasiirka Hawlaha Guud Oo Amray Inaan Baabuurta Dawlada Lagu Xidhi Karin Nambarada Shacabka

0
725

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland ayaa amar ku bixisay in la soo xareeyo bileedhada  cad cad ee shacabka isla markaasna gaadiidka dawlada lagu xidho bilaydhadii cagaarnaa.

Waxa sidan lagu sheegay wareegto uu soo saaray wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed, waxaanay wareegtadani faraysaa wasaaradaha iyo guud ahaan haayadaha dawlada in ay gaadiidkooda ku xidhaan bileedhkii cagaarnaa lagana saaro meesha bileedhka cad oo ay isticmaalaan gaadiidka shacabka, waxaanu wasiirku wareegtan ku sheegay in la sugaayo amniga hantida gaadiidka ah ee dawlada, waxaana wareegtan oo dhamaystiran ay u dhignayd sidan "Waxaanu maanta oo ay bishu tahay 31/05/2017 soo saray digreeto wasiir oo aan ku joojinaayo in gaadhi dawladu ay leedahay lagu xidho lanbarka cad ee Somaliland, hadaba waxaan farayaa dhamaan wasaaradaha dawlada iyo haayadaha madaxbanaan inay dhaqangaliyaan wareegtadan soona xareeyaan nambarka cad ee ay sitaan hada.

Sida oo kale waxa aan taliyaha ciidamada booliska ku wargalinayaa in uu si dhakhso ah uga hawlgalo dhaqan galinta wareegtadan si loo sugo amniga qaranka iyo tan hantida qaranka ee dhinaca gaadiidka dawlada."

Wareegtan ayaan la garanayn sida ay u hirgeli doonto, maadaama oo baabuurta dawladda ee ay masuuliyiintu gacanta ku hayaan ku jiraan xaalado dayacnaan ah, waxaana jira baabuur badan oo dawladeed oo la adeegsado saacado aan saacadaha shaqada loona isticmaalo dano gaar ah oo ka baxsan danihii qaranka.