Wasiirka Ganacsiga Oo Soo Jeediyay In Laga Faa’iidaysto Dhaamka Xumbo-weyne

0
555

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah  Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka ku taliyey in la soo dhaweeyo mashruuc walba oo horumarineed oo dalka laga hirgaliyo, waxaanu si gaar ah uga hadlay Dhaamka xumbo weyne  oo uu sheegay inuu yahay mid guud ahaan Bulshada dan u ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Mashruuc walba oo dalkeena laga hirgeliyo ama laga fuliyo inaga ayuu dan inoo yahay, dadkeena ayuu dan u yahay, in la soo dhaweeyo, oo aynu ka faa’iidaysano weeye, runtiina Mashruucan Dhaamka waa Mashruuc wax badan inoo tarayaa, Madaxweynahana waxaan uga mahadnaqayaa sida qiimaha leh ee uu horseedka uga noqday hirgelinta mashaariicaha fara badan ee uu ka midka yahay Mashruucan Dhaamkani, oo waxtar inoo leh”.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shucayb Maxamed, mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Cid walba oo wax ina taraysa, oo wax inoo qabanaysa, waa inaynu soo dhaweeynaa, oo gacmo furan ku qaabilnaa, sida Dawladda Imaraadkan oo iyadu mashruucan Dhaamka inaga caawisay, sidoo kale inaguna wax badan baynu qabsanay, oo waxa dhab ah in intii aynu dawladnimada haysanay, wax badan baa inoo hirgalay oo wax badan ayeynu qabsanay,sida Waddada Ceerigaabo oo ah Waddo aad u adkayd in wax laga qabto, balse aynu u badheedhnay inaynu inagu sameeysano,waddadan iyo waddooyin kaleba, waxaana hormood inoogu ahaa Madaxweynaha, markaas  inaynu dadaalno oo wax walba oo awoodeena ah qabsano cid walba oo wax inoo qabanaysana aynu soo dhaweeyno ayaa la inooga baahan yahay”.