Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Sicir Bararka Iyo Qiimaha Maceeshada

29
3277

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Sacad Iidle Saajin ayaa ka hadlay sicir bararka, waxaanu sheegay in muddada loogu tagalay ee ay qabteen inay wax laga qabanayaan inay kaga qaban doonaan, waxaanu guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay deg dega iska dayaan, oo ay sugaan muddadaas loo cayimay in wax lagaga qabto sicir bararka.

Wasiirka Ganacsiga, Wasaaradda Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Sacad Iidle Saajin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Maceeshada, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay sicir bararka “Sicir bararka wax ka qabashadiisa muddo ayaa loogu tagalay, muddadaas loo qabtay ayaana insha allaah waxa lagaga qaban doonaa, waana ku dadaalaynaa in aanu meesha ka saarno sicir bararka, ee deg dega ha la iska daayo mudadaas aanu qabanay ayaanu sicir bararka wax ka qaban doonaaye”.
Wasiirka Ganacsigu mar uu ka hadlaayey maceeshada ayaa yidhi “Ganacstadu inay Maceeshada umadda u jabiyaan oo umadda u naxariistaan, oo wax macquul ah ka siiyaan ayaan kula talinayaa,runtiina markay dadkooda u naxariistaan ayuu ALLE wax walba u barakeeynayaa, ta kale Wasaarad ahaan Maceeshadu iska jabi mayso, balse waa la dadaali, oo marka uu sicir bararku meesha ka baxo, maceeshaduna wey jabi doontaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here