Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Lacag Ay DP World Ku Kordhisay Adeega Dekedda Berbera

0
543

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga ah Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay khilaaf soo kala dhexgalay Ganacsatada dalka iyo Shirkada DP World, kadib markii Shirkada DP World lacag ku kordhisay alaabta ay Ganacstadu kala soo degto Dekadda Berbera, gaar ahaan qalabka dhismaha, waxaanu sheegay in lacagta Shirkadu kordhisay aanay ahayn lacag badan, balse hadda la xaliyay.

Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamiga  ah Dr Cumar Shucayb Maxamed,oo warbixin dheer shalay ka hor jeediyey Guddida Joogta ah ee Golaha Guurtida, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabo badan, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaya arintan “Shirkada aanu ku wareejinay Dekadda ee DP World, iyo Ganacastadii wax la soo dagayey, ayaa wuxuu hakad kala yara dhex galay nidaamka loo shaqeeynayo, madaama ay Shirkadu tahay Shirkad cusub, oo kordhin yar oo qalabka ay ku kordhiyeen, oo kirad ah, qalabkan ay Shirkada DP World isticmaalaysaa, waa qalab iyada lagu wareejiyey oo iyadu ay leedahay, qalabkan iskama shaqeeyo ee waxyaabo badan buu u baahanayaa, wuxuu u baahan nayaa in laga shaqeeyo, Darawal bay u baahanaysaa, Xisaab iyo Xisaabtan baa jiraysa, DP World wax kale may sameeyn ee waxay yidhaahdeen, xoogaa yar oo kharash ah oo rogida ah, runtii Geelaha ayey ka wada hadleen, oo waxay yidhaahdeen Geeluhu arintaas ha sameeyo, markaas xooga yar oo aan is afgarad ahayn baa ka dhacay, arintaas markaanu tagnay si fiican baanu u soo xalinay, sidii bay u shaqaynaysaa Dekaddu oo shalayba alaabtu wey soo baxday, qalabkan si aanu inooga fadhiisan oo ah nidaamkii ay Dekaddu ku shaqeeyn jirtay, oo imika la waafajinayo Dariiqan DP World, kiibaanu runtii ka soo shaqeeynay, is af garad baanu runtii ka soo shaqeeynay, is af garad baanu runtii kaga nimid, markaas qalabka xanibnaa wuxuu ahaa qalabka dhismayaasha  oo kaliya, laakiin kontiinaradda shaqo kuma laha, arintaasi waanu soo dhamaynay, si wanaagsan oo is af garad baanu geelihii iyo ganacstadii iyo qoladii DP World-ba, wax la isku wada af gartay baanu ku soo dhamaynay,iyadoo waliba aanay kordhin wax weyn oo la taaban karo, oo wax aad uga yar runtii wax uu markii hore qorshuhu ahaa, ayey noo yeelan, waana uga mahadnaqayaa qolada ganacstada ah oo hawsha si yar oo fudud u fudeeyey, qolada geelaha ah iyo qolada DP World, oo xalayba alaabtii ugu horeeysay wey soo dhaqaaqday”.

Wasiirka Ganacsiga mar wax laga weydiiyey sicir bararka dalka ka taagan ayaa ku jawaabay “Inaga sarifka ayaa kacay, ee Maceeshadu may kicin, Wasaaradda Ganacsigu waxay u xilsaaran tahay Maceeshada, subax walba inamada ka shaqeeya Wasaaradda waxay kantaroolan Badeecada, dabacan inaga waxay badeecadu inoogu timaada waa Doolar, inagu ma sameeysano irbad, inagu waxay baynu soo dajisanaa, maanta haddii mushkilad yari ka dhacdo khaliijka cida ugu horeeysa ee ay sameeynayso ayeynu ka mid nahay, fariintan aan halkan u marinayo Ganacsatada iyo cida doonayso inay wax tixraacdo in Wadankeena xagga Beeraha la maalgashado, oo wax lala soo baxo, waa arin muhiim ah, markaas Badeecadu may kicin ee Sarifkii baa kacay, marka uu Sarifku kacana Badeecadu wey qaali garoobaysaa, Xukuumadda oo uu Madaxweynuhu hogaaminayo dadaal weyn bay u gashay, oo Guddiyo ayaa loo saaray, waxa la isku dayey in wax walba halkeedii lagu soo celiyo, Wadanku wuxuu u baahan yahay inay lacag adigi soo gasho, lacagta adagi saddex meelood bay inaga soo gali jirtay, meeli waa meesha ugu muhiimsan oo waa xoolaha nool, meelina waa Xawaaladaha, oo lacagta la inoo soo dari jiray waxay inoo soo mari jirtay Xawaaladaha, ta kalena waa waa Lacagtii Hay’addaha, siday wax isku bedaleen waxa weeye, xoolihi wey istaageen, oo waa anagan suuqa imika u raadinayna, insha allaahna waa la furi doonaa, dhinaca Xawaaladuna sidii barigii hore maaha, oo wey iska sii go’ayaan, ta kale barigii hore Hay’adduhu lacag fara badan bay bixin jireen NGO, baa qaadan jiray, laakiin imika taas waa laga baxay, oo Sanduuq baa lagu shubaa, runtii Xukuumaddu dadaal bay wax ku wadaa, waxaana rajaynaynaa in dadaalkaas wax badani inooga qabsoomaan, wax badana inoo soo kordhaan, Badeecaduna wey iska jabi doontaa”.

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga ayaa ka xof waramay safaro shaqo uu u ku tagay dalalka Masar, Ireland iyo Germany, waxaanu sheegay in safaradaasi ahaayeen Safaro tan u ah dalka, oo wax badan isla soo qaadeen wadamadaas, Wadamadaasina ay qireen Dimuqraadiyada iyo nidaamka ka jira Somaliland, wax kale oo uu sheegay in is bedel balaadhan uu ku yimid nidaamka liisamada Ganacsiga ee Wasaaradda laga qaato, waxaanu sheegay in tan iyo intii uu xilkan wasiirnimo uu qabtay in Wasaaradda wax badani iska bedelaan, waxaanu sheegay in Wasaaradda Ganacsigu ay qori ku leedahay oo qudha Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, waxaanu xusay in Gobolada kale ay isticmaalan Xafiiska Maaliyadda, balse wuxuu sheegay inay rajo buuxda uu ku qabo sidii Wasaaraddu xarumo ugu yeelan lahayd Gobolada kale ee ilaa hadda aanay ku lahayn Xafiisyo, waxa kale oo uu Barlamaanka ka codsaday in xeerarka ku saabsan Ganacsiga ee ay gacanta ku hayaan inay sida ugu dhakhsaha badan u meel mariyaan.