Wasiirka Ganacsiga Oo Ka Hadlay Khilaafka DP World Iyo Ganacsatada

0
882

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Shirkadda DP World iyo Ganacstada, waxaanu sheegay in isaga, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arimaha Dibaddu, ay u kuurgaleen khilaafkan iyo waxa sababay, waxaanu sheegay in labada dhinac ee is haya ee kala ah Ganacstada iyo Shirkadda DP World, inay dhegaysteen, waxaanu tilmaamay in nidaamkii hore ee loogu shaqeyn jiray Dekadda iyo nidaamka ay Shirkadda DP World ku shaqeeysaa ay kala duwan yihiin, waxaanu sheegay in Guddi hawshan loo xil saaray, isla markaana Ganacstada dalku u ballansan yihiin Maanta, si khilaafkan loo soo af jaro.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramayay Idaacada VOA, ayaa ugu horeyn yidhi, “ Wey jirtaa cabashada Ganacstadu, oo Maraakiibta iyo alaabtii ay kala bixi jireen, ayey leeyihiin caqabad baa naga gashay, markaa halkan waxaanu kaga baxnay saddex Wasiir, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo anigoo Wasiirka Gaancsiga ah, marka xaaladdii waanu u kuurgalaynay, waanu u tagnay, markaa runtii caqabadaasi wey jirtaa in Dekaddu marka loo eego sidii barigii hore ahaan jirtay in habka socodku alaab raridda iyo rogiddaba aad moodo imika inay hoos u yara dhacday”.

Mar Wasiirka wax laga weydiiyey sababta keentay hoos u dhacan ayaa yidhi,  “Sababta ay hoos ugu dhacday, waa ta aanu meesha u tagnay, sababta ay hoos ugu dhacdayna waa laba arimood, midi waxa weeye nidaam cusub oo DP World oo la galay baa jira, inaguna nidaam baynu ku shaqayn jirnay, nidaamka aynu ku shaqayn jirnay wuxuu ahaa nidaam laga shaqaysiinayo shaqaalihii oo cidi gacanta ku hayso, oo xoog ku shaqaysta, oo badbaadintii iyo nidaamka caalamiga ah aan loo eegaynin, oo runtii nidaam deg deg ah ayuu ahaa, laakiin qoladan DP World, nidaam ayaanu leenahay ayey yidhaahdeen, oo xilliga ay dabayshu dhacayso iyaga alaabta waa la hakiyaa, waxa kale oo iyana ka mid ah in markii hore haddii uu Markabku uu sido kun kontiinar, markabka kale waa looga saari jiray, waayo Maraakiibtu waxay ku xisaabtamaan waa wakhti, markaas tii baan iyana qudheedu jirin, markaas marka aanu tagnay, ee aanu isla eegnay dhibaatadii waxaanu ku xallinay in Guddi loo saaro, qoladii DP World, markii aanu wareysanay waxay noo sheegeen in iyaga qudhoodu wax bedelayaan, Guddidaana wada shaqayn fiican yeeshaan, oo qudheeda xagii wada shaqaynta ee DP World iyo qolooyinka kale, ayaad moodaa xoogaa in caqabadi ka yara jirtay, tiina waanu soo dhamaynay, Ganacstadii iyo qolooyinkii kale oo dhana waxaanu isla soo garanay inay dantu ugu jirto in bahashani xoog u shaqayso, waxaana runtii u sabab ah qalabkii oo aan wali soo wada gaadhin, DP World, waxay leeyihiin qalabkii wuu noo soo socdaa”.

Dhinaca kale wuxuu Wasiirka Ganacsigu sheegay inay Maanta oo khamiis ah la balansan yihiin Ganacstada, waxaanu tilmaamay in shaqadii dekaddu sidii hore ay dhaanto.