Wasiirka Duulista Oo Ka Hadlay Dhulka Madaarka Cigaal Ee La Dhisayo Oo Su’aalo Dhaliyay

0
657

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe, ayaa ka hadlay dhul madaarka Cigaal uu leeyahay oo maalmahan lagu war helay iyadoo dhisme laga bineeyay.

Wasiir Farxaan oo shalay ka hadlayay munaasibad loo sameeyay bilowga duulimaadyada shirkadda Air Arabia, wuxuu sheegay in dhulkaas laga dhisayo hotel uu maalgashanayo muwaadin reer Somaliland ah oo aanu magacaabin, waxaanu yidhi “Waan maqlaayay qolooyin leh dhulkii madaarkaa qof la siiyay oo hudheel laga dhisayaa, madaarka dhulkiisa maadaarka uun baa leh, wasaaradda uun baa leh cid la siinayaana ma jirto, laakiin waxa xaqiiqo ah terminalka la dhisayo ee aanu qolada Turkiga ku wada hadalnay waa mid isku dhan oo hudheel ayaa ku jira, markay hudheelkaas yidhaahdeen qorshaha waxa noogu jira inaanu dhisno terminal cusub oo 30 milyan oo dollar ku baxaya hudheelna wuu ku jiraa laba malyuun oo dollar ku kacaya oo ay qaabkiisii noo keen ayaa waxa jira nin Somalilander ah oo hore u soo codsaday, dabadeed markaas waxaanu isu eegnay haddii uu jiro nin Somalilander ah oo maalgashan karayaa inuu hudheelkii madaarka isagu dhiso haloo fududeeyo halkii qof ajaanib ah la siin lahaa mudnaanta, maalinba haddii ninka ajaanibka ah laga fuuryeelo ninka muwaadinka ah guuldaro weeye, markaas macnaheedu maaha in dhulkii madaarka cid la siinayo ee waa dedaalada la wado iyo maalgashiga ku tallo galka ah ee ah tayaynta iyo joogtaynta iyo kor u qaadista madaarka ayay qayb ka tahay, taasna waxaan leeyahay halaga daayo warka sida qaloocan loo dhigayo ee la siyaasadaynayo, wixii dalka loo qabanayo qabyo badan ayaa inoo taalee waxaanu maanta qabanayno halaga daayo gobtahanyada.”