“Wasiirka Duulista Ayaa Ku Yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi Waa Dagaal Ee Dhinac Raac”

0
587

Picture5Hargeysa (Geeska)- Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray) ayaa ka hadlay Khilaafka adag ee soo kala dhex-galay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye. Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Boggiisa Facebook,waxaanu yidhi “Kulmiye horta markiisa hore ba wuxu ahaa col wada yaal oo kala dano ah meel na aan u wada soconin. Waxay ahayd masuuliyiinta sare ee Xisbigu inay wax ku qaataan markii Madaxwayne Siillaanyo la doortay ee uu soo dhisay dawlad garanwaa ah oo cid kale daaye isagu aanu dadka uu xilka u dhiibtay aanu waxba ka garanayn dhawr shakhsi oo keliya mooyaane.

Maalintaasi ba way cadayd in sidii maska Xisbi ahaan Kulmiye looga xuub siibtay. Hogaanka sare ee Xisbigu intii ay Xukuumadda magaca Xisbigooda ku suntani xilka haysay waxay dugsanayeen magac been ah oo ah ” Xisbul xaakim” iyagoo og in Kulmiye uu yahay Xisbigii lagu doortay Madaxwayne Siillanyo ee cidla ku tuuray markii uu Madaxwanaha noqday”.

Mujaahid Cali Gurey waxa uu intaas ku daray “Wakhti hore waxan saadaaliyay in yoomal qiyaamihii Kulmiye soo dhaw yahay khasab na ay noqon doonto in lagu kala dhaqaaqo. Iyaga oo taa madaxa ku haya ayay wada hadalo iyo heshiisyo afka baarkiisa oo dhex maray dad aan isu calool xaadhnayn ama xataa is neceb la inoogu sheegay khilaaf xalimo. Wax khilaaf ah oo la xaliyay na ma jirin taas oo sabab u ahayd inu qabsoomi waayo Shirwaynihii 3aad ee xisbigu. Ugu dambaystii dad ay tiradoodu kun kor u dhaaftay oo aan Xisbi ahaan ku iman ee reero loo qaybsaday ayaa Hool wayn la isugu keenay taas oy ka fursan wayday in la qabto shir aan la shirin. Dhinaca dhismaha xisbiga shirwaynaha kaba dhig in gacanta loo taagay xubnaha hogaanka sare lakiin xubnihii Golaha Dhexe oo aan la dooran ayaa shirkii albaabka loo xidhay. Sida uu dhigayo xeerka Kulmiye Shirwaynaha Xisbiga ayaa iska leh awooda ansixinta xubnaha Golaha Dhexe. Sidaa darteed maanta Kulmiyaha jiraa waa mid aan lahayn Gole Dhexe oo sharci ah, liisaska lagu muransan yahay na mid waa sharci la odhan karaa ma jiro. Waxa ka daran Gudida Fulinta ee la leeyahay waxa soo magacaabay Shirgudoonkii Shirwaynihii xidhmay ayaa lafteedu qayrul sharci ah.

Sida uu dhigayo xeerka Kulmiye Guddida Fulinta waxa soo magacaabaya Gudoomiyaha xisbiga waxa na ansixinaya Golaha Dhexe. Guddida uu soo magacaabay Guddoomiyuhu hal mar ay qalad tahay inta aanu Golaha Dhexe ansixin lakiin tan uu soo magacawday Shirgudoonkii Shirwaynuhu iyadu laba goor ayay qalad tahay. Cali Gurey waxa uu qoraalkiisa ku daray “Waana tan uu diiday in uu saxeexo hal yeeyga Dr Maxamed Cabdillahi ee uu ku waayay jagadiisii wasiirka Ganacsiga. Wuxu ahaa Wasiirka Duulista ninkii Wasiirka Ganacsiga ku yidhi “waar waa dagaal ee dhinac raac”, lakiin waxan is leeyahay dhinac uu raacay ba ma jirto eh keliya wuxu diiday qalad saddex jibaaran inu saxeexo lakiin dee Wasiirka Duulista Adeerkii ayuu isku hubay.

Sida la inooga dhigayo khilaafka runta ah ee Kulmiye ma ba aha arimahan aynu soo sheegnay ee wax ka qoto dheer kana dhumuc wayn arimahan aan odhan karo waa sadxi oo waxa lagaga warwareegayaa fooda la isku daro khilaafka runta ah oo isagu leh wejiyo badan wax xal ah oo loo hayaana aanu jirin ee sidii caadada u ahayd Kulmiye ha is huwanaato uun xaalku noqonayo. Khilaafkaa aan xalka loo hayn ama aan la isla ogolaan karayn ayaa ugu dambaysta ku soo af jarmi doona in ninkii rooni reerka u hadho. Ninka rooni ka uu noqon doono na waa la iska sii garan karaa lakiin sua’aashu waxay tahay horta reer uu u hadhaa ba ma jiri doonaa”