Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Xilkii U Kala Wareejiyay Laba Agaasime

0
604

Picture2Hargaysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Ayaa Shalay Xilkii  u kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Iyo Agaasimihii Hore Ee Wasaarada Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland.

Munaasibadii xil wareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaarada ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha Somaliland,qaar ka mid ah Culimada dalka iyo Shaqaalaha Wasaarad

Munaasibada, waxa ka hadlay Faah-Faahin ka bixiyey waxqabadkii Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta  agaasimaha Masaajidada ee wasaarada Diinta iyo aw qaafta Sheekh Muxumed Xuseen Jaamac waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay. “Munaasbadan aynu u samayne xil wareejinta agaasimaha cusub ee wasaarada diinta iyo aw qaafta Somaliland Warsaaradda hadaan xog idinka siiyo siday ay u shaqayso  in dhawaydba sidaynu wada ognahay farta lagu yara godi jiray,lakiin maanta waxa ay maraysaa nuur calaa nuur,waxaanada maanta indhihiina ku aragtaan sida ay Wasaaraddu u kala baxday iyo quruxda taala waxaas oo dhana wasiirka ayaa sabab u ah”,

 Isuduwaha Wasaarada Diinta Iyo Aw qaafta Ee Gobolka Maroodi Jeex Sheekh Maxamed Ibraahin Jaamac oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddu wax badan oo aan hore u jirin ay ku guuleeystay, waxaanu yidhi “Sidaas la sheegay xilku waa meerto maalinbana nin ayaa haya ninkaas hayan waxa laga doonayaa inuu kasoo baxo kaalinta loo dhiibay,Wasaaradda aynu maanta joognaa waxa aynu odhan karnaa waa Wasaaradda hormuudka u ah Wasaaraddaha dawladda maxaa yeelay waa meel Diinta Islaamka lagu ilaaliyo kana dhaqan gashay Diintana lagu hagi lahaa dalka laguna dhiqi laha”

Isu-duwaha Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Waxa ay Wasaaraddu midayse Eedaanadii Salaada ee ka  bixi jiray Masaajidad,waxa ay keentay oo ay ka hawl gashay Idaacada Quraanka Kariimka ah taas oo dalka qaarkood laga dhagaysto,waxaana ay markasta shacabka ugu adeegtaa xaga diinta islaamka iyo hab dhaqankeeda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaaradda Warashadaha Cabdi Axmed Gurey oo isna halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Wasaaradda DIinta iyo Aw-qaafta, isaga oo qiray horumarka balaadhan ee ay ku talaabsatay, waxaanu yidhi “Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waa Wasaaradda Wasaaraddaha, waa Wasiirada ugu horeysa dalka, jaarna waanu nahay, marka aad ayaan ugu faraxsan ahay sida wanaagsan ee ay xilka ula kala wareegayaan Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaraddan”

Sheekh Axmed Dhimbiil oo isagu ka mid ah Culimada dalka, muddo aad u dheerna joogay Wasaaraddan ayaa isna waxa uu yidhi “Wasaaraddan anigu muddo dheer ayaan joogay,waxa soo maray Shan Wasiir iyo Shan Agaasime, Wasaaradduna wax badan ayey qabatay, muddadii uu Wasiir Sheekh Khaliil uu joogay”.

Agaasimihii hore ee xilka wareejinayey Cabdirashiid Cabdilaahi oo isn halkaasi ha hadlay ayaa Munaasibada kusoo bandhigay waxqabadkii Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland intii uu joogay waxaa uu yidhi” “Marka hore waxaan mahad naq gaar ah udirayaa Madaxwaynaha Somaliland oo Maanta (Shalay(, xilkii aan hayey iga nasiyey Agaasime cusubna u soo magacaabay xilku waa meerto waanan ku faraxsanahay xilkaas uu iga nasiyey,Wasaaradda markii aan imi kolay sida aan kaga tagayo may ahayn waxaan kusoo kordhiyey inaanu midayno eedaanka masaajidada,inaanu dhismo xarumaha ay Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta ku leedahay Gobolada iyo inaanu ka hawl galno sidii aanu Wasaarada kor ugu soo qaadi lahayn Wasaarada iyo Shaqaalaheeda,halkan aynu Maanta joogno kumaa ay jirin Wasaaraddu ee waxa ay ku jirta kaanbool yar dhismahana waxa u keenay masuuliyiinta Wasaaradda iyo wasiirka oo uu ka kaw yahay Wasiirka Wasaaraddu”.

Sidoo kale Waxa isna Halkaasi ka hadlay Agaasimaha cusub ee loo magcaabay Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdilaahi waxaana uu yidhi”Marka hore waxaan Mahad naq balaadhan usoo jeedinayaa Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo usoo magacaabay inaan noqdo Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta ayaa marka hore mahad iska leh, madaxwaynahu waa Madaxwaynahii kaliye ee ku dhiirada inuu Diinta tayeeyo shaki kuma jiro  hadii aynu tirino inta uu Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta u soo qabtay,kolay waad dareemi kartaa waxa ugu horeeya Idaacada Quraanka Kariimka ah tartamada quraanka ku xidh-naanshaha uu ku xidhnaado Culmi Aw diinka reer Somaliland iyo balan qaadkii ugu danbeeyey ee uu ka hor akhriyey Labada Gole taas oo ahayd inuu samayn doono dalada kulmisa Culimada Diinta runtiina madaxwaynaha Somaliland waan ku amaanayaa waxaan leeyaha hambalyo mudane Madaxwayne.

Agaasimaha cusub ee wasaarada diinta iyo aw qaafta somaliland sheekh Aadan Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wat ayaa waxa uu yidhi” waxaan isna u Mahad naqayaa Agaasimaha aan xilka kala wareegay marxaladihii adkaa ee uu lasoo maray iyo heerkaas uu Maanta soo gaadhsiiyey waxaan ku leeyahay waad ku mahad-san tahay Agaasime waxaan kuu rajaynayaa inuu ILLAAHAY SWT Miisaanka Xasanaadka kuugu daro fadligaas,runtii isha ayaa macalin ah waxaan aad ugu faraxsanahay guushaas uu wasaarada usoo hooyayey iyo sida u qurux badan tahay”.

Gabo-Gabadii waxa munaasibada soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo xilkana ukala wareejiyey labada Agaasime waxaana uu Agaasimhii hore ILLAAHAY uga baryay inuu Miisaanka Xasanaadka ugu daro intii ay soo wada shaqeyeen iyo waxa uu qaranka u qabtayba waxaana uu Agaasimaha cusub isna ku booriyey ina ay shaqo iyo hawl u taalo,shaqadiisana ILLAAHAY ku garan galo, waxa kale oo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu  sheegay in  wax qabadkaasi uu qabtay ay ILLAAHAY SWT dartii ku dhaceen, oo ILLAAHAY la garab galay, waxa kale oo uu amaan aad u balaadhan u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu aad wax ugu qabtay Diinta, hadii ay noqoto inuu sameeyo Idaacadii Quraanka, haddii ay noqoto inuu abaalmarin qaaliya ku maamuso Ardeyda ku guuleeysta Tartanka Quraanka, waxa kale oo  uu aad ugu amaanay in markii ugu horeeysay Salaada Jimce lagu tukuado Masaajidka Madaxtooyada ku yaala.

Dhinaca kale waxa xusid mudan in goobtii xil wareejintu ka dhacaysa uu ku sugnaa Masuul ka tiran Hanti dhawraha