Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Xadhiga Ka Jaray Masjid Jaamaca Xaafadda Siiney

0
602

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa shalay xadhiga ka jaray dhismaha masjid jamacadda xaafadda Siinay ee magaalada Hargeysa kaas oo ay dib u habayn iyo balaadhin ku samaysay hay’adda Al Huda.

Xaflad loo sameeyay furitaanka masaajidkan ayaa waxa ka qayb galay wasiirka diinta iyo awqaafta, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha beeraha Md. Cabdillaahi Ismaaciil iyo xidhiidhka goleyaasha Md. Maxamed Cali Aden, guddoomiyaha hay’adda qaranka ee NDC Md. Jamaal Caydiid, agaasimaha fulinta hay’adda Al-Hudda Sheekh Cabdinaasir Iid, Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Sheekh Khaliil,  oo halkaas ka hadlay, wuxuu bogaadiyay hay’adda masaajidka dhistay, waxaanu ka waramay marxaladaha uu dhismaha masaajidku soo maray,  “Waxa aan u mahad celinayaa Maamulka Hay’adda Al-huda, oo ay ugu horeeyaan sheekh Cabdale Abiib, Sheekh Cabdinaasir Iid Maxamed iyo axmed oo isu taagay sidii ay u dhamaystiri lahaayeen masjidkan.” Ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Waxa isna halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo hay’adda masaajidka dhistay ku bogaadiyay dedaalka ay samaysay. Sheekh Cabdinaasir Iid, oo ah madaxda hay’adda Al-Hudda, ayaa yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca hay’ada Al-Huda, ahna Imaamka Masjidkan aynu maanta furayno,Runtii aniga Farxad gaar ah ayay ii tahay, hay’adii aan masuulka ka ahaa oo dhistay masjidkii aan imaamka ka ahaa.”

 

Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo isaguna ka hadlayay dhismaha Masjidkan cusub ayaa sheegay in uu soo maray wakhtiyo kala duwan isla markaana ay farxad gelinayso bilicda ka muuqataa “Waxa aan u soo joogay iyada oo Masjidkan aanu quruxdan lahayn, waxaanan xasuustaa maalin anaga oo salaada ku jirna ay nagu kacday shini tiir ka mid ah tiirarka masjidka ku jirtay.” Ayuu yidhi Sheekh Carab.