Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Iclaamiyay Salaad Roob Doon Ah

0
532

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa shaacisay in maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa dalka oo dhan laga oogi doono salaada roob doon ah, ka dib markii Madaxweynaha Somaliland faray wasaarada salaadaas.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaanu u dhignaa war-saxaafadeedkaasi sidan: “Sida aynu la socono Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland Mudane Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Waxa uu Amray in Dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalku ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta Sabtida ee26ka bishan April 2014ka kuna Beegan 26ka Bisha jumaadalaakhir ee 1435ka Hijriya.Saacaddu marka ay tahay 9:00 Sagaalka subaxnimo , taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo.

salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka ay sidan oo kale uu Roobku inaga dib dhaco, Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo Alla ka cabsi iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana Wixii wanaag ah in la is faro Xumahana la iska reebo. Waxa habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga manta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno .Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa.”