Wasiirka Dib U Dejinta Oo Socdaal Ku Jooga Saylac Iyo Cabashada Dadka Deegaanka

0
486

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka dib u dajinta Axmed Cabdi Kaahin ayaa kormeer ku tegay deegaanada Saylac iyo Lughaya isaga oo ay waheliyaan saraakiil ka tirsan xafiiska qoxoontiga ee UNHCR Somaliland iyo Jabuuti.

Wararka laga helaayo socdaalkaas ayaa sheegay in deegaanada Saylac iyo Lughaya la dajinaayo dad qaxoonti ah oo dib looga soo celinaanyo Itoobiya, inasta oo wasiirka iyo waftigan UNHCR toona  arintaas aanay ka hadlin. Waxa sida oo kale jira odayaal ka soo jeeda deegaanadaas oo ku dhawaaqay  in aanay aqbalayn in la soo dajiyo qaxoonti aanay ka raali ahayan.

Wasiirka dib u dajinta Maxamed Cabdi Kaahin oo warbaahinta kala hadlay safarkiisan ayaa isagu sheegay in UNHCR ay eegayso adeegyada deegaanadaas ee biyaha iyo waxbarashada waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Socdaalkaygu waxa uu ku salaysan yahay inaan kormeer ku sameeyo magaalooyin tuulooyin iyo deegaano kaleba, waxaana ila socda haayadaha oo ay ka mid tahay UNHCR Hargeysa iyo UNHCR Jabuuti kuwaas oo eegaya xaalada biyaha iyo caafimaadka  iyo sida oo kale waxbarashada, waxa wax laga qaban doonaa meeshii dugsi ka dhiman yahay iyo halkii adeegyada caafimaadka wax ka dhiman yihiin oo wax laga qabto, in dadka magaalooyinka ka maqan lagu soo celiyo haddii magaalooyinka wax ka dhiman yihiin.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wax auu yidhi“Kormeerkayganina waxa uu sigu jiraa siyaasada dawlada ee ah in la kormeero deegaankasta oo baahida dadka la’la socdo iyo haayadahaas oo kuwii wax qabadka ahaa oo doonaya inay wax ku kordhiyaan caafimaadka,waxbarashda iyo waxii kale oo ka dhiman.”

Odayaasha deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa iyagu ku dhaliilay wasiirka dib u dajinta in deegaanadaas uu keenayo qaxoonti aanay raali ka hayan, waxaanay sheegeen in aanay aqbalayn keenitaanka qoxoontigaas.