Wasiirka Dib U Dejinta Oo Ingiriiska U Tagaya Soo Celinta Dadka Doonaya Inay Iskood U Soo Noqdaan

0
509

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka dib u dejinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Casood, ayaa la sheegayaa inuu maanta dalka Ingiriiska ugu ambobaxayo hirgelinta barnaamij ay dawladda Ingiriisku doonayso inay dib ugu soo celiso dadka reer Somaliland ee doonaya inay iskood dalka ugu soo laabtaan.

Barnaamijkan oo dawladda Ingiriisku u bixisay AVRR (Assistance Voluntary Return &Reintegration), wuxuu abuuray shaki hore u jiray oo dhawr jeer lagu eedeeyay dawladii Daahir Rayalae Kaahin, oo ahaa in la doonayo in la soo celiyo dadka reer Somalialnd ee bilaa sharciga dalkaas ku jooga, laakiin barnaamijkan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu soo celiyo qofka doonaya inuu iskii u soo noqdo, kaas oo ay dawladda Ingiriisku ku taageeri doonto dhaqaale uu nolol kaga abuurto gudaha dalka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hore u mamnuucay inaanu jiri doonin wasiir dal shisheeye heshiis la soo geli kara, isagoo sheegay inay wasaaradda arrimaha dibaddu tahay wasaaradda dal shisheeye heshiis la geli karta. Laakiin heshiiskan uu u baxayo wasiirka dib u dejintu ayaa u muuqda mid ka horimanaya go’aankaas Madaxweyne Siilaanyo.