Wasiirka Daakhiligu Ma Ogyahay Ceebta Qarannimo Ee Ku Gedaaman Caruurta La Qafaashay?Mustafe Keydsane

0
680

Mr. Faratoon waxan ku tirinjiray dadka ugu aqoon badan arimaha dawladnimada, waanan ku farxay maalintii loo magacaabay xilka Wasiirka Arimaha Guddaha, waanan u hanwaynaa runtii.

Ha yeeshee markii uu dhacay shilka caruurta lagala baxay dugsiga dhaqan-calinta ee ay ku jireen, waxaa soo baxay ceebo waawayn oo dhaawac u geystay dhanka sharciga, nabadgalyada iyo Qaranimada dalka.

Marka laga yimaado yaa saxsan iyo yaa qaldan, waxa la is waydiin karayaa sharciga dalku muxuu u shaqayn waayey markii Sirdoon caalami ahi ay soo faragilyeen caruur dalka ku sugan oo ay dalbadeen in lagu celiyo dalalkii ay sharciyadooda hasyteen. Maadaama aynu sheeganayno dal leh sharci iyo hay'ado sharciga ilaaliya, waxa ay ahayd in ay cida dacwada wadataa dacwadeeda ka furato Maxkamada Degmada Hargeysa, Maxmamaduna ay Booliska iyo xeer-ilaalinta ku amarto si ay baadhitaan u furaan dacwadaas. Waxaana dhici lahayd in Maxakamdeenu u garnaqdo Dawladaha dacwada caruurta wada iyo dadka caruurta halkan kaga mas'uulka ah. Dacwadaasi hubaal waxay noqon lahayd dacwad caan baxda oo ay falanqeeyaan warbaahinta dalalka dacwadan darafka ka ah.

Mudo kadib waxa dhici lahaa xukum sharaf leh oo loo cuskaday sharciga dhulka( Law of Land). Soomaalilaanna waxay halkaa ka dhaxli lahayd ixtiraam dal ahaanneed, oo loo arko dal madaxnaan(Sovereign state).

Nasiib daro waxa dhacday arin madmadow iyo shaki galisay in ay Xukuumadu ku shaqaynayso sharcigii iyo siyaaddadii uu dalku dal ku ahaa ee ay ahayd in Dawladaha Caalamkuna ay ku qadarinayaan oo kula dhaqamaan.

In Sirdoon dalkale ka tirsani ay toos u faragaliyaan nidaamkeena amni iyo keena sharci, waxay muujinaysaa in dadkii mas'uuliyadaa qarabka u hayey ay sharcigii garab mareeb oo ay doorbideen in ay fuliyaan awaamiir shisheeye.

Shilkani ma aha mid sahlan, mana aha in uu si fuddud inagu dhaafo, waayo meesha waxa ka dhacay wax sahlam ma aha; waxay gaadhi kari lagayd in mas'uuliyiin badan lala xisaabtamo, in sharciga la horgeeyo, in ay xilalkooda ku waayaan , in shacabku ay  ogaadaan gefka la galay inta uu xadi le'egyahay . Waxaba dhici karta in kiiskani gaadho heer khiyaamo qaran.

Haddaba dalkanoow aaway dadkii ku lahaa???